|

Gacan-ku-dhiigle Maskaxda Ka Jirran Oo Jeelka Burco 8-sano Ku Jiray Oo Ehelkiisa La Baafinayo

Burco:Dec,31,2014(SDN/QJ)-Taliska Jeelka dhexe ee Magaalada Burco, ayaa warbaahinta usoo bandhigay Gacan-ku-dhiigle Maskaxda wax uga Dhiman yihiin oo muddo siddeed sano ah ku jirey Jeelkaas, kadib markii uu dilay Nin kasoo jeeda Gobolka Togdheer.

meyoGacan-ku-dhiiglahan maskaxda ka jirran, ayaa magaciisa lagu sheegay looma Faysal Cali Warsame Xeefaw,waxana  ay talisku sheegeen inay waayeen Ehelllada iyo qaraabadii uu ninkaasi lahaa, kuwaas oo ilaa iyo Maanta la baafinayo.

Sidoo kale waxa uu taliska Ninkan gacanta ku hayaa sheegay in ninkani sheegtay inuu kasoo jeeda Gobolka Hiiraan, waxana Qabiilka uu sheegtay yahay Hawiye, Xawaadle oo kasii ah Cali Madaxweyne, waxana Maxkamaddu ku Xukuntay In magta marxuumkii uu dilay la Bixiyo, balse lama hayo cid u ehel ah oo arrintaas ka kafaalo qaadda.

Taliyaha Jeelka Burco oo arrintanta Ninkan ka Hadlaya ayaa yidhi, “wax ehel ah oo u yimi intaa uu ku jiray xabsiga ma jiraan, isaguna waa nin maskaxda ka jirran uma suurtagal aha waxbadani . sidaa awgeed waxa aan ka codsanayaa cidda garata magaca iyo muqaalka ninkan ama garata cid garata isaga ama ehelkiisa fadlan si degdeg ah ha ula soo xidheen xabsiga dhexe ee magaalada burco gaar ahaan taliyaha xabsiga axmed geele oday oo lambarkiisu yahay +252634434320 ,”

Waxa sidoo kale kale laga Codsanayaa dhamaan Walaalaha Muslimiinta ah ee Arrintan wax ka qaban karaa inay u kacaan oo Ninkaas Maxkadiisu aanay caadiga ahayn ee Jeelka ku dhex xanniban kasoo saaran, una Gurmadaan.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed