|

Qaraar Falastiiniyiinta Faa’iido Badan u Lahaa Oo ku hor Fashilmay Golaha Ammaanka

Newyork:Dec,31,2014(SDN/QJ)-Waxa fashil ku dhamaaday Qaraar muhiim u ahaa Shacabka Reer Falastiin, kaas oo la doonayey in Golaha Ammaanka Dhexdiisa aqoonsi looga raadiyo Qaddiyadda Reer Falastiin.

golahoGolaha ammaanka, ayaa si cad u diiday Qaraarkaas oo qabyo ahaa, kaas oo ay dawladda Urdun soo gudbisay, iyadoo Qaraarkaasi ku Baaqayey in la soo afjaro Haysashada Israa’iil ee Dhulka reer Falastiin muddo saddex sano Gudaheed ah.

Qaraarka oo sidoo kale Falastiin u aqoonsanaya inay dal tahay ayaa u baahnaa sagaal cod si uu u meel maro, laakiin waxaa ogolaatay sideed dal oo keli ah.

Laba dal ayaa diiday qaraarka, kuwaas oo kala ah Australia iyo Mareykanka, waxayna ku doodeen inaanu ka turjunmeynin amniga Israa’iil.

Shan dal oo ay ka mid yihiin Britain iyo Nigeria ayaa diiday qaraarka, taas oo muujinaysa sida ay Dawlada rer Yurub uga soo horjeedaan arrina reer Falastiin.

Safiirka Jordan ee Qaramada midoobeey, Dina Kawar ayaa sheegtay in codka lagu diiday qaraarkan  aanu hor istaageynin dadaalka xalka loogu raadinayo dagaalada.

Falastiin ninka wakiilka uga ah Qaramada midoobeey, Riyad Mansour, ayaa sheegay in codeynta ay muujineyso sida beesha caalamka ay u daneyneyso arrinta Falastiin.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed