|

Ganacsade Caan ah Iyo Tiro Dhakhaatiir ah Oo Loo Xidhay Geerida Taliyihii Booliska Somalia iyo Meydka Taliyaha Oo Nairobi Lala Hadal Hayo

Muqdisho:Oct,31,2014(SDN/QJ)-Guddii uu Ra’isal wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed u saatay Baadhitaan lagu sameeyo Geerida Taliyihii Ciidanka Boliska Somalia, ayaa la sheegayaa inay tallaabooyinkoodii ugu horreeyey qaadeen.

wadnWararka Guddidaas Kasoo Baxaya, ayaa sheegaya inay isla garteen in Meydka loo qaado Magaalada Nairobi, si loo xaqiijiyo sababta Rasmiga ah ee Geeidiisa Keentay, maadaama xilli xaasaasi ah khilaaf jiro ay kusoo beegantay Geeidiisu.

Guddiga ayaa sheegay inay baadhitaano la xidhiidha dilka ay sameeyeen waxayna wadaan wali baadhitaanadda oo ay tilmaameen inay soo dhamaystiri doonaan maalmaha soo socda.

Gudigan oo ka koobnaa shan wasiir ayaa waxaa Gudoomiye u aha Raiisul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka awqaafta iyo arimaha diinta Ridwaan Xirsi Maxamed.

Dhanka kale, Wararka ka imanaya Magaaladda Muqdisho ayaa sheegaya in Ciidamadda CID ee dowladda Soomaaliya ay Shalay galab xidheen dhowr qof oo lala xidhiidhinayo geeriida taliyaha.

Warar aan si rasmi ah loo xaqiijin ayaa sheegaya in dadka la xidhay uu kamid yahay Ganacsadde Magaaladda Muqdisho caan ka ah oo lagu Magacaabo Gurey, ganacsadahan oo ah Mulkiilaha Makhaaxidda Banaadir Beach ee Magaaladda Muqdisho halkaasi oo la sheegay inuu cunnada ka cuni jiray Taliyuhu, waxaana wararku ay sheegayaan in xiligii ugu damaysay Noloshiisa uu baarkaas la fadhiyay Jeneraalku   ganacsadaha iska leh Makhaaxidda Banaadir Beach.

Warar kale ayaa sheegaya iyagana in xabsiga loo taxaabay isna Gudoomiye ku xigeenka degmadda Cabdicasiis, Xassan Xaaji oo isna lagu tuhmayo ku lug lahaanshaha geeriida Taliyaha Ciidanka.

Waxaa kaloo la sheegay in afar qof oo kale oo ka shaqeynayay Cisbitaalkii loola cararay Maydka Taliyaha iyagana la xidhay warku wuxuu intaas ku darayaa in howl-wadeenadda Cisbitaalka ee la xidhay uu kamid yahay Dakhtar Kenyaan ah.

Marka laga yimaaddo wararkaas oo ay baahiyeen Warbaahinta Maxaliga ah ee Magaaladda Muqdisho hadana dhanka kale wax war ah oo xaqiijinaya arimahaas kama aanay soo bixin saraakiisha dowladda.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed