|

Ururka Gabalkiisu Dhacay Ee SOLJA Oo Cambaarayn Hawada U Mariyey Xadhig Xukuumaddu Kula Kacday Wariye Reer Gabiley ah

Hargeysa:Oct,31,2014(SDN/QJ)-Ururka Khilaafku Awooddiisa kala dhantaalay ee Solja, ayaa cambaarayn Hawada  u mariyey Xadhiga Wariyihii HCTV uga soo warrami jirey Gobolka Gabiley oo xukuumaddu xabsiga dhigtay.

SOLJA LOGOUruruka SOLJA oo muddo Dhawr bilood ah aan cid hadal haysa la maqlin, isla-markaana  hore ugu kala jabay garab Xukuumadda Taageersan iyo mid kasoo horjeeda, ayaa haatan dib loo maqlay kadib markii uu xadhigani dhacay.

Warsaxaafadeedka uu Ururka SOLJA kasoo saaray Xadhigga Wariye Mukhtaar Nuux Ibraahim, ayaa u dhignaa sidatan”

Ururka Suxufiyiinta Somaliland SOLJA, waxa uu si adag u cambaareynayaa, xadhiga argagaxa ah ee lagu kacay Wariyaha Telefishanka Horn Cable ee Gobolka Gabiley Mukhtaar Nuux Ibraahim gelinkii dambe ee Maanta [Shalay], kaasoo sida naloo xaqiijiyay hadda ku xidhan saldhig ku yaalla Magaalada Tog-wajaale.

Xadhiga Wariyahan oo ah mid kasoo horjeeda Shuruucda dalka u yaalla, sida Dastuurka iyo Xeerka ka fircamay ee Saxaafadda oo si cad u damaanad qaadaya xaqa iyo xuquuqda Muwaadiniitu u leeyihiin helitaanka Saxaafadda Madaxbanaanida, iyo sidoo kale, xoriyaadka aasaasiga ah ee Bulshadu leedahay inay fikirkooda soo bandhigi karaan.

Waxa kaloo, Madaxda iyo masuuliyiinta Heer-gobol ee dalka uga digaynaa, inay caadeystaan ku xad-gudbka xuquuqda Dastooriga ah ee Suxufiga, iyagoo bedelka arinkaasna ku raali-gelinaya Xukuumad, Xisbi ama shaqsiyaad kale.

Sidoo kale mar labaad iyo saddexaad inta-ba, waxaanu Xukuumadda ugu baaqaynaa in si deg deg ah xoriyadiisa loogu soo celiyo Weriye Mukhtaar Maxamuud, oo sida xadhigiisu ka markhaati kacayey, sifaha xadhigiisa loo maray uu yahay mid bulshada xasuusinaya mid kamid ah Hab-dhaqanada lagu raali geliyo Hogaamiyeyaasha ammaanta jecel, xaqiiqadana neceb. Waayo hadii Wariyuhu aanu soo tebin lahayn dhacdada Maanta [Shalay] ka dhacday Magaalada Gabiley, taasoo ah mida aanu u tuhunsanhay xidhigiisa. Ma waxa uu soo gudbin lahaa Iidheh, Ogaysiiska iyo Fariimaha dalabaadka ee bulshadu salaamaha isugu gudbiso. Ugu dambeyn Ururka SOLJA, waxa uu Xukuumada usoo jeedinayaa inay ka waan-towdo xadhiga iyo gabood-fallada sii socda ee lagu Bar-tilmaameedsanayo Suxufiyiinta, iyagoo wajibaadkooda shaqo gudanaya.

 

Maxamed Cabdi Guuleed

G/Ku xigeenka Ururka SOLJA

 

 

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed