|

Gudoomiyaha Golaha Guurtida oo La Filayo inuu Fadhi Deg Deg ah isugu Yeedho Golihiisa iyo Sababaha Keenay inuu Mawqifkiisa Debciyo.

Hargaysa 31.Oct 2014 (SDN/QJ)- Gudoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Mudane Saleebaan Maxamud Aadan ayaa la filayaa in Todobaadka Beri oo Sabti ah ka Bilaabmi doona inuu isugu Yeedho Mudanayaasha Golaha Guurtidu inay isugu Yimaadaan Kalfadhi aan Caadi ahayn.

saleebaanSida ay u Xaqiijiyeen Shabakada Qurbejoog.com Ilo ku dhow dhow Gudoomiye Saleebaan isla markaana naga Codsaday inaan Magacooda la shaacin ayaa tilmaamay in amuurtani ka danbaysay kadib markii uu Khilaaf cakirani soo kala dhex galay Golaha Wakiilada kaas oo ka dhashay Wax ka Bedelka iyo Kaabista Xeerka Diiwaangelinta  Codbixiyaha Xeer Nombar 37/07,kaas oo uu Gudoomiyaha Golaha Wakiiladu Mudane C.raxmaan Maxamed C.laahi “Cirro” u gudbiyay Golaha Guurtida si ay uga gutaan Waajibaadkooda distooriga ah, Hasa Yeeshee qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada oo ka soo Jeeda dhanka Xukuumada ayaa ku wargeliyay  Gudoomiye Saleebaan Gaal in Xeerkii ay ansixiyeen iyo ka Golahooda loo Gudbiyay ay kala duwan yihiin waxayna xuseen in Gudoomiyahoodu uu dhalan rogay Xeerkan iyagoo soo qaatay ilaa sagaal qodob Sida ay yidhaahdeen,taani waxaykeentay in Gudoomiyaha Guurtidu uu Golihiisa u qaybin waayo Xeerkaas, Waxaanu Gudoomiye Saleebaan u qoray dhigiisa Wakiilada Mudane Cirro qoraal nuxurkiisu ahaa in Xeerka uu u soo gudbiyay iyo kii lagu ansixiyay Golaha Wakiilada uu farqi u dhexeeyo,Balse Gudoomiye Cirro ayaa ku adkaystay inuu Sax yahay Xeerkani una soo jeediyay Guurtida in sida uu distoorku dhigayo ay Xeerkan ka Gutaan Waajibka kaga aadan oo ay ka Mid tahay inay diidaan,inay sidiisa ku ansixiyaan, iyo inay wax ka bedel ku sameeyaan,Waxa uu Gudoomiye Cirro diiday in Xeerkaasi iyadoo aanay  Guurtidu Sadexdaas arrimood Midkood ku samayn in aanu dib ugu soo noqon karin aqalka uu gadhwadeenka ka yahay.

 

Markaas kadib Khilaafka Wakiiladu wuxuu gaadhay meel Xasaasi ah, Waxaana Guurtida ku adkaatay inay kala dhex galaan maadaama ay Muuqato inay Qayb ka yihiin asbaabaha dabka ku sii huriyay Khilaafka Xeerkan ka dhashay.

Hadaba Xogaha ay Shabakada Qurbejoog.com heshay ayaa sheegaya in Gudoomiye Saleebaan Gaal uu doraad u soo qoray Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Qoraal nuxurkiisu ahaa inuu u soo faahfaahiyo Sadex qodob oo ku Jiray Wax ka Bedelka iyo Kaabista Xeerka Diiwaangelinta  Codbixiyaha Xeer Nombar 37/07 ee ay Mudanayaasha Muxaafidku ka Cabanayaan Kuwaas oo kala ah Qodobada 7aad Faqradiisa 2aad, 25aad,iyo 26 aad.

Warku waxa uu intaas ku darayaa in Shalay oo Khamiis ahayd uu Gudoomiye Cirro u Gudbiyay Gudoomiye Saleebaan Jawaab Celinta qodobada uu ka dalbaday oo ku jiray doodii Mudanayaasha .

Mudane Saleebaan Maxamud Aadan ayay Wararku sheegayaan inuu dareemay Saamaynta ka dhalan karta Xeerkan oo ay Mucaaridku ku dhaleeceeyeen inaanu u Cuskan Qodob Sharci ah oo ka mid ah habka ay labada gole u wada shaqeeyaan,iyo in aanu Xaq u lahayn inuu ka garnaqo Dacwad ay u gudbiyeen Mudanayaasha Muxaafidku maadaama ay Gudida Joogtada ah ee Wakiiladu ka garnaqi karto hadii Mudanayaal saluugaan Shirgudoonka oo isku dhan amase Midkood Sida uu dhigayo Xeer hoosaadkooda Qodobka 22aad faqradiisa 5aad oo u dhigan “Guddida joogtadu waxay u xilsaaran yihiin wixii ka yimaada isqabad iyo

tarjumada Xeer-hoosaadka iyaga oo la tashanaya La-taliyaha sharciga ee Golaha”.

Faqrada 8aad ee Qodobkaas oo odhanaysa “Guddida joogtada ahi waxay eegayaan talooyinka la soo jeediyo, dacwadaha

Shirguddoonku ka soo gudbiyaan mudanayaasha”.

Iyo qodobka 22aad faqradiisa 11aad oo sheegaysa “Guddida joogtadu waxay go’aan ka gaadhaysaa cabashooyinka ay uga soo

gudbiyaan mudanayaashu shir-gudoonka ama mudane kale waxana mudanaha la siinayaa xaal- marin ku habboon marka gefku caddaado”.

Dhanka Kale Gudoomiye Saleebaan ayaa la eegayaa inuu Sabtida Cayimo Kal fadhi aan Caadi ahayn oo ay yeeshaan Golaha Guurtida iyadoo Tibaaxahani sheegayaan oo ay  saadaalinayaan in Gudoomiyaha oo ka Taxadiraya inay  si daba dheeraan Khilaafka Wakiiladu ay Gole ahaan Sixitaan ku sameeyaan Xeerka Muranka dhaliyay kaas oo hor taagan inay Qabsoomaan Fadhiyadii Golaha Wakiilada oo ay hor yaalaan ansixinta Komiishanka Cusub ee Doorashooyinka iyo Miisaaniyada Qaranka ee Sannadka soo Socda.

Si kastaba ha ahaatee Dib u dhacyada ka dhashay Xeerkan ayaa abuuray kala qaybsanaan mar kale soo dhex gasha Xildhibaanada Golaha Wakiilada taas oo walaac ku abuurtay bulshada maadaama ay horseedi karto dib u dhac ku yimaada doorashooyinka sannadka danbe u qorshaysan inay Somaliland ka qabsoomaan.

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Source Qurbejoog.com

Comments are closed