|

Garabka Dalada Sonyo ee Xukuumada Taageersan oo Sheegay in Hogaanka ay Doorteen uu Yahay Gobolada Awdal iyo Sool

Hargaysa 31.Dec 2014 (SDN/QJ)- Dhalinyaradda Somaliland ee Sonyo ayaa si rasmi ah u dooratay Hogaan ka kooban Guddoomiye guddoomiye ku xigeen loo doortay laba xubnood oo ka soo kala jeeda goboladda Galbeedka iyo Bariga Somaliland ee Awdal iyo Sool iyo Xubno  19 ka kooban oo Boodhka urur weynaha Dhalinyaradda Somaliland yeelandoono mudadda 2-badda Sanno ee inagu soo aadan.

LLXaflada balaadhan oo Urur weynaha  Dalinyaradda Somaliland kulmisa ee SONYO, uu shalay ay ku qabsaday xaruntooda magaaladda Hargeysa ayaa Ero ka kooban 64 xubnood oo ka kala socday goboladda Somaliland waxay ku doorteen Guddoomiyaha cusub ee 2-badda sanno ee soo socda ee ururka dhalinyaradda Sonyo oo loo doortay Md Siyaad Cumar Cali iyada isla goobtaasi sido kalena lagu doortay guddoomiye ku xigeen loo doortay md c/qani Maxamed Shiine iyo 19 Xubnood oo ka mid noqon doona Boodhka cusub ee ururka Sonyo.

Guddoomiyihii hore ee ururka dhalinyaradda Somaliland ee xilku ka dhamaaday Md Mubaarig Ismaaciil Taani oo ugu horeyn halkaasi hadal guubaabo iyo dhiiri gelin ah ku sii sabootiyey xubnaha cusub ee la doortay ayaa waxa uu yidhi ”dhamaan Ergooyinka shirgudoonka ka soo qaybgalay munaasibadan xilwareejinta ee Golah todobaad, waxaan maanat halkan u fadhinaa oo aan ka sheegaynaa in shirweynihii Sonyo khilaafaad iyo qalalase soo kala dhex galay in uu maanat dib u furmay,waxaan maanta halka ka cadayaynaa in aan dooranayo doorasho xalaal ah anaga gole ahaan waxa nugu waajiba in aanu wareejino xilkii iyo taladii aan idiin haynay kuna wareejin doono masuulka aad soo doorataan.”

Gudoomiyaha cusub ee daladda Dhalinyaradda Somaliland ee Sonyo loo doortay labadda Sanno ee soo socda Md Sayid Cumar Cali oo isna halkaasi hadalkooban ka jeediyey “Marka hore ALLAHEENA awooda leh ayaa mahad oo dhan iska leh oo isagu inoo suurto geliyey in aynu xafladdan qiimaha leh ee xilka laygu doortay aynu isagu nimid,marka xigta dhamaan waxaan u mahad celinayaa   xubnaha kala duwan ee dalada Sonyo kuwii hore iyo kuwa imika la aasaasayo waxa ii sharafa in aan maanta si sharci ah ku noqdo guddoomiyaha Daladda dhalinyarta ee guud ahaan Somaliland, waxaan u shaqayin donaa xubnahayag cusub si fiican oo hufnaan leh .”

Waxa ay noqoneysa markii ugu horeysay ee taariikhda mudadii ay daladda dhalinyaradda Somaliland ee Sonyo intii ay jirtay loo doorto hogaankeeda Sare laba xubnood oo ka soo kala jeeda beelaha ama goboladda Darafyadda ee Somaliland gaar ahaan Goboladda Awdal iyo Sool oo labaddan xubnood ee la doortay ka soo kala jeedaan, arintaasi oo muujinaysa sida dhalinyarta reer Somaliland biseylka iyo walaaltimadda iyo inay dalka wada leeyihiin oo siman yihiin ay muujinayso.

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

 

Comments are closed