|

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Jaamacada Carabtu Gudoonsiisay Jeeg Hal Milyan oo dollar ku qoran tahay iyo Deeqo loo balanqaaday

Muqdisho 31.Dec 2014 (SDN/QJ)- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan ballaadhan magaalada Qaahira ee dalka Masar kula qaatay madaxweynaha dalkaas Cabdifataax Siisi oo uu marti-qaad rasmiya ka haystay.

Picture318-150x150Xasan Sheekh oo booqasho laba maalmood ah ku tegey Masar ayaa Axaddii dorraad 28kii Diisamber 2014 gaadhay isaga oo hor kacaya wafti ballaadhan oo uu ka mid yahay taliyaha amniga iyo sirdoonka dowladdiisa iyo wasiirro, waxa aanu durbadiiba gudo galay kulamo uu la qaatay Madaxweyne Siisi oo sida uu Geeska Afrika ka soo xigtay Wargeyska Al-Ahraam ay ka wada hadleen arrimo ay ka mid yihiin, in Masar ay Soomaaliya ka taageerto baahiyaha degdegga ah ee caawinaya in dib loo soo celiyo amniga iyo xasiloonida iyo in la dardar geliyo horumarinta.

Kulankan labada madaxweyne Isniintii ay yeesheen ayaa la sheegay in uu marka hore ahaa mid u gaar ah oo albaabadu u xidhan yihiin, kadibna ay mar kale yeesheen kulan ay ku wehelinayaan masuuliyiinta labada dhinac, iyada oo uu afhayeenka rasmiga ah ee madaxtooyada dalka Masar sheegay in ay ka wada hadleen taageero Masar siiso Soomaaliya, in la kordhiyo tirada ardayda Soomaaliya ee deeqaha waxbarasho ka helaya Masar. Iyada oo uu Madaxweyne Siisi dhinaciisa ka sheegay in Masar ay si buuxda u taageerayso dowladda Soomaaliya iyo hannaanka ay ku gaadhayso ujeedooyinkeeda. “Madaxweyne Siisi waxa uu caddeeyey in dowladda Masar ay ku taagan tahay in ay taageerto xasiloonida iyo midnimada Soomaaliya” ayaa uu afhayeenka madaxtooyada Masar yidhi.

Dhinaca kalana xoghayaha guud ee ururka Jaamacadda Carabta Dr. Nabiil Al-Carabi ayaa isna Isniintii shalay ee 29ka Oktoobar 2014ka madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ay kulmeen gacanta ka saaray jeeg lacageed oo qaddarkiisu dhan yahay Hal Milyan oo doolarka Maraykanka ah, lacagtaas oo uu ururka jaamacadda carabtu ku sheegay in ay horudhac u tahay taageero Carabtu ugu talo gashay Soomaaliya, oo daba socota go’aankii golaha wasiirrada arrimaha dibadda Carabtu ay bishii Sagaalaad ee sannadkan ku gaadheen in dowladda Muqdisho bil kasta la siiyo 10 Milyan oo doolar oo lagu kabayo miisaaniyadda qaranka ee Soomaaliya. War-saxaafadeed ka soo baxay Jaamacadda Carabta oo uu geeska Afrika turjumay ayaa lagu sheegay in kulankaas dhex maray xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta iyo Madaxweyne Xasan Sheekh ay iskula qaateen in si dhaqso ah lixda bilood ee sannadkan soo socda u dambeeya gudahood lagu qabto shir carbeed oo Qaadhaan-bixiyeyaasha dunida lagu casuumayo in ay ka qayb qaataan dib u dhiska Soomaaliya iyo in Soomaaliya si buuxda looga taageero farsamada iyo siyaasadda ay ku doonayso in laga dhaafo deymaha ay dalalka Carabtu ku lahaayeen Soomaaliya oo lagu qiyaasay in ay dhan yihiin 2 Bilyan oo doolarka Maraykanka ah. Deyntaas oo haddii laga dhaafo Soomaaliya u fududayn doonta dowladda Xasan Sheekh in ay maalgashi dhaqaale iyo deyn ka hesho dalalka dunida iyo gaar ahaan bangiga adduunka iyo haayadda lacagta adduunka.

Waxase warbixintan lagu sheegay in labada masuul ay isla garteen in ka hawlgelidda deyn dhaafiddan ay ka horreyso in marka hore la-qabto kulan-hawleed farsamo oo ay ka soo qayb galaan baanka adduunka iyo haayadda lacagta adduunka ee IMF si deynta dhaafiddeedu ay u noqoto mid dhab ah, oo suurtogelisa in ay dib u soo noqoto wada shaqayntii Soomaaliya iyo haayadahan caalamiga ahi iyo in ay hesho maalgashi iyo dhaqaale carbeed iyo mid caalamiya labadaba.

Jaamacadda Carabtu waxa ay madaxweynaha Soomaaliya u ballan qaadday tababarro la siinayo hal-doorka dowladda iyo in madaxda dowladda lagala shaqeeyo sidii ay u heli lahaayeen shahaadooyin waxbarasho oo ku habboon xilalka ay hayaan. Ugu dambayntii warkan ka soo baxay jaamacadda Carabta waxaa lagu sheegay in Md. Xasan Sheekh uu Ururka Jaamacadda Carabta ka dalbaday in loo kordhiyo tirada ardayda deeqaha waxbarasho laga siiyo jaamacaddaha Carabta iyo in uu xoghayaha guud ee Jaamacaddu ka shaqeeyo sidii ardayda Soomaaliyeed ee Qaahira ku nool ee dhamaystay darajada koowaad ee waxbarashada Jaamacaddu ay u helaan deeqo dheeraad ah oo ah in ay sii wataan waxbarashada si ay u diyaariyaan shahaadooyinka Master iyo Doctorate.

Sida la’ og yahay muddooyinkan dambe dowladda Masar waxa ay si aad ah isugu hawshaa xidhiidhkeeda Soomaaliya, iyo in ay la yeelato iskaashi diblumaasiyadeed, milateri iyo mid dhaqaale labadaba, waxaana jira warar soo baxaya oo iftiiminaya suurtogalnimada in dowladda Masar ay doonayso in ay ku lug yeelato wada-hadallada u dhexeeya Soomaaliya iyo Somaliland si loo hirgeliyo midnimo ay Masar u aragto in ay dan u tahay danaheeda gobolka iyo siyaasaddeeda arrimaha dibadda ee ku waajahan webiga Niilka.

Comments are closed