Uncategorized

Gole ku Cusub Golayaasha Somaliland oo Hargaysa lagaga dhawaaqay {DHAGAYSO HADALADOODII}

Hargaysa 10.July (SDN) Qaar ka mid ah Siyaasiyiinta Somaliland iyo Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada ayaa Shir Jaraa’id oo ay maanta ku qabteen Magaalada Hargaysa waxay kaga dhawaaqeen Gole Cusub oo ay ugu magac dareen Golaha Wada Tashiga iyo Toosinta Qarnaka kaas oo aan ka mid ahayn Golayaasha distooriga ah ee dalka.

Siyaasiintan oo u badan kuwii ay ka burbureen Ururada Siyaasada ayaa Sheegay inay Xukuumada u Gudbin doonaan Talooyin ay ku saxayaan Hawlaha ay umada u hayaan waxaa kale oo dawlada ay ku dhaliileen Siyaasada ay wadanka ku maamulayso oo ay Sheegeen inay dalka u horseedayso inuu booraan ku dhaco.

Shirkaas waxaa ka hadlay Mujaahid Xasan Ciise Jaamac,Mujahid Ibaraahin C.laahi Xuseen (Dhego weyne) iyo Mujaahid Maxamed Xaashi Cilmi
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/Golewadatashi(1).mp3″]
Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com