|

Gollaha Wasiirada ayaa maanta ansixiyey magacaabista Taliyayaasha Ciidanka Booliska iyo Asluubta Soomaaliyeed

Muqdisho, 30, April, 2015 (SDN/QJ)- Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid shirkoodii caadiga ahaa waxaana shir gudoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, kulanka ayaa looga dooday arrimaha ammaanka qaranka iyo ansixinta qaab-siyaasadeedka Amniga Hoteellada iyo Goobaha Ganacsiga iyo magaacbista Taliyeyaasha Ciidamadda Booliska iyo Asluubta.

unnamed (11)Afhayeenka XFS Ridwaan Xaaji Cabdiweli, oo saxaafada la hadlay markii uu soo dhammaaday shirka Golaha Wasiirada ayaa sheegay in Goluhu isku raacay in Gen. Maxamed Sheekh Xasan Xaamud loo magacaabo Taliyaha Booliska, sidoo kale waxaa Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed loo magacaabay Gen. Bashiir Maxamed Jaamac oo badali doona taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Soomaaliya Gen. Xuseen Xasan Cismaan.

Iyadoo goluhu ka duulayo weerarada waxashnimada ah ee lagu gumaadayo shacabka Soomaaliyeed ayaa dood dheer kadib waxaa goluhu ansixiyeen qaab-siyaasadeedka Amniga Hotellada iyo Goobaha Gaancsiga si looga hortago dhibaatooyinka ay maleegayaan dadka xagjirka ah oo caadaystay xalaalaysiga dhiiga muslimiinta. Waxaana ilaahay SWT quraankiisa ku yiri sida ku xusan aayadda 93-aad ee suuradda Alnisaa “Daadinta dhiiga dadka muslimiinta ah waxaa lagu galayaa Naarta” { فِيهَا خَالِدًا جَهَنَّمُ فَجَزَاؤُهُ امُتَعَمِّدً مُؤْمِنًا يَقْتُلْ وَمَنْ }

Waxaa sidoo kale golluhu ay ansixiyeen qaab-siyaasadeedka cafiska iyo fursad-siinta dadka Xagjirka ah, kuwaas oo dowladda Soomaaliya ay fursad u siinayso in ay ka tanaasulaan fikirka khaldan ee lagu gaalaysiinayo dadka muslimiinta ah, waxaana dowalada Soomaaliya ka go’an iney gacmo furan ku soo dhaweynayso cidkasta oo ka tanaasusha fikirka xagjirnimada ah.

Ugu danbeyn, Golaha Wasiirada ayaa warbixin ka dhagaystay Guddiga ay dhowaan Xukuumaddu u saartay xaaladda qaxootiga Soomaaliyeed ee dalka Yemen, sidoo kale waxaa warbixin laga dhegeystay Wasiiru Dowlaha Arrimaha Gudaha oo dhawaan koormeer qiimayn ah ku soo sameeyey dhibaatooyinka gobolka kataagan sida, fataahada Wabiga oo khasaarooyin u gaystay beeralada ku dhaqan gobolka Shabeelada dhexe iyo goobaha waxbarashada iyo caafimaadka oo xirmay, kadib markii ay albaabada isugu dhufteen kooxaha nabad diidka ah xiliyadii ay ka talinayeen qaybo ka mid ah gobolka, waxaana goluhu go’aamiyey in dhawaan halkaas loo diri doono khubaro kasoo talo bixiya qaabka wax looga qaban karo.

—DHAMAAD—

Comments are closed