|

Shan Jir Shan Cisho ku Hoos Jiray Burburka Dhul gariirkii Nepal oo Maanta la soo saaray isagoo Nool

Nepal 30.April 2015 (SDN/QJ)- Kooxaha badbaadada ee xarunta Nepal, Kathmandu, ayaa ka soo saaray wiil 15 jir ah oo nool hoosta burburka dhismo, isagoo ku jiray halkaasi ku dhawaad shan maalmood.

150430092715_dhul_512x288_bbc_nocreditWuxuu ku badbaaday dhuun hawadu marto oo ku hoos jirtay burburka dhulgariirka. Dadka ayaa ku farxay markii dibadda la keenay ka hor intaan isbitaalka loo qaadin.

Saraakiisha ayaa haatan sheegaya in la og yahay in ay ku dhinteen dhulgariirka Nepal in ka badan 5500. Deegaano badan oo ku dhaw bartamaha ayey ka jirtaa cunno, biyo iyo hoyi’ la’aan, waxayna Qaramada Midoobay sheegeysaa inay qaadaneyso shan maalmood in lagu gaaro goobahaasi.

Qaramada Midoobay ayaa codsatay 415 milyan oo doolar si loo gargaaro Nepal sadaxda bil ee soo socota.

Garoonka kaliya diyaaradaha caalamiga ee Kathmandu ayaa mashquul ah maadaama uu leeyahay hal jid oo diyaaradaha sahayda sida ku dagaan kana kacaan.

Comments are closed