|

Gaadhi Bas ah oo Arday Tiro badan saarnayd oo uu Goor dhawayd dooxa Dacar Budhuq la Tegay

Hargaysa 30.April 2015 (SDN/QJ)- 34 Caruur ah oo uu ku jiro dareewalkii gaadhi bas ah ayaa laga badbaadiyay daad ka soo rogmaday dooxa dacar budhuq waxaana ku geeriyooday hal ardayad ka mid ahayd ardaydii la socotay baskaasi.

Shabakada Qurbejoog,com ayaa Wararka ay ka helayso deegaanka dacar budhuq waxay sheegayaan Gaadhigan oo ahaa Nooca Basaska Iskuulada kana Yimid dhinaca Magaalada Berbera ayaa markii uu marayay badhtamaha dooxa dacar budhuq la Kulmay Biyo xoogan oo socda waxayna taasi sababtay inuu gabi ahaanba dhinaca kale u rogo gaadhigii .

Taliyaha Saldhiga Booliska ee Dacar budhuq iyo Gudoomiyaha Degmada Laasgeel ayaa sheegay in Gurmad ay sameeyeen ay ku soo samato bixiyeen 34 kaasi qof oo u badan caruur halka gabadh ka mid ahayd ardaydaasina ay sheegeen inuu baabuurku ku dul dhacay ayna dhimatay.

Baabuurkan baska ah ayaa waxaa lahayd Shirkada Salaama Waxaana la sheegay inuu Meel aan ahayn halkii wadadu maraysay uu Taayirka gaadhigu maray.

Mas’uuliyiinta Degmada Laasgeel iyo Ciidamada amaanka ayaa uga digay wadayaasha gaadiidku inay xiliyada ay roobabku jiraan ay ka taxadiraan in nafaha ay sidaan ay ku biimeeyaan daadadka dooxyada ee socda.

 

Comments are closed