Uncategorized

Guddoomiyaha degmada Xarfo oo la sii daayay kaddib markii dambi lagu waayay iyo Xubno Xukun lagu riday

Boosaaso 17.March 2014 (SDN)- Maxkamadda darajada koowaad ee gobolka Nugaal ayaa maanta xorriyaddiisa dib ugu celisay guddoomiyaha degmada Xarfo ee gobolka Mudug, Cabdullaahi Faarax Beyla, kaas oo lagu eedeeyay inuu ku lug lahaa lunsashada raashin gargaar ah oo loogu talagalay dadka tabaaleysan ee ku nool degmada.

Beyle-300x225Hase yeeshee maxkamadda ayaa xabsi min saddex sano ah ku ridday saddex nin oo kale oo lala soo eedeeyay guddoomiyaha Xarfo, kuwaas oo ka hor qirtay maxkamadda inay lunsadeen 215 kiish oo ka mid ahaa raashinka gargaarka.

Saddexda nin ayaa kala ah labo nin oo darawallo ah iyo wakiilkii mas’uulka ka ahaa raashinka.

Guddoomiyaha degmada Xarfo oo la hadlay warbaahinta kaddib sii deyntiisa ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay sii deyntiisa, balse wuxuu eedeeyay maamulka gobolka Mudug oo uu sheegay inuu ka dambeeyay xariggiisa.

Qaar ka tirsan dadweynaha ayaa soo dhoweeyay tallaabooyinka lagula xisaabtamayo madaxda maamulka, oo inta badan lagu eedeeyo inay ku kacaan lunsasho hanti dadweyne.

Boosaaso SDN.

Qurbejoog.com