Uncategorized

Madashii Maanta ee Dhaqaajinta Wadada Ceerigaabo+Dareenkii Bulshada Ceerigaabo+Weedhihii Madaxweyne Siilaanyo iyo Wasiir Xirsi DAAWO oo DHAGAYSO

Ceerigaabo 17.March 2014 (SDN)- Jawiga maanta oo ahaa mid layaab ku noqday weftiga madaxweynaha ku wehelinaysay safarkan loogu magac-daray Hilaacii Xeebaha Somaliland ka dib markii ay xalayto ku soo hoyden Caasimada Gobolka sanaag ee Ceerigaabo goor habeenimo ah balse ay shacbigu jawaab uga dhigeen saaka Nin daar ku jiraa daruur ma arkee ilayn xalay roobku waa da’ay, maah-maahdaas oo ahayd mid ay weftiga ku dareensiinayeen inay xalay ku soo beegmeen xili roob laxaadleh ka da’ayey Sanaag oon la isu bixin balse maanta ay ka dhigteen isu soo baxoodii kaasi oo noqday daad soo rogmaday oo kale.

Markii waagu beryey waxa magaalada Ceerigaabo soo buux dhaafiyey hareeraha wadada iyaga oo u taagnaa soo bixitaanka madaxweynaha oo maanta ujeedadiisa ugu wayni ahayd inuu ka dhabeeyo balanqaadkisii hore ee ahaa dhagax-dhiga wadada ceerigaabo balse wajigii labaad ee uu madaxweynuhu ku soo gaadho wadadaasi ayaa noqday mid rumoobay oo uu ka dhabeeyey markii uu keenay Qalabkii wadada lagu hirgelin lahaa isaga oo isla maantana Cagta saaray madaxweynuhu Cagaf-cagaftii hormoodka u ahayd Qalabka wadada ceerigaabo loogu talo-galay wadada in lagu dhaqaajiyo laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 17.03.2014.

Waxa xasuusteeda leh isu soo bixii ugu balaadhnaa ee ay sameeyaan reer ceerigaabo ayaa waxa uu noqday mid lagu qabtay barxad ka baxsan magaalada balse ahayd halkii laga bilaabayey wadada ee ahayd bilowga wejiga koowaad ee wadada lagana soo bilaabay dhanka Ceerigaabo, sidoo kalena waxa uu salaam sharaf ka qaatay Madaxweynuhu Ciidanka Qaranka Jamhuuriyada Somaliland.

 

IMG_0009 IMG_0022 IMG_0042 IMG_0053 IMG_0068 IMG_0098 IMG_0105 IMG_0205 IMG_0213 IMG_0216 IMG_0270 IMG_0334 IMG_0341 IMG_0351 IMG_0384 IMG_0397 IMG_0404 IMG_0428 IMG_0431 IMG_0466 IMG_0496 IMG_0517 IMG_0521 IMG_0527 IMG_0535 IMG_0546 IMG_0549 IMG_0552 IMG_0557 IMG_0563 IMG_0604 IMG_0605 IMG_0606 IMG_0622 IMG_0630 IMG_0635 IMG_0644 IMG_0647 IMG_0654 IMG_0662 IMG_0688 IMG_2712 IMG_2718 IMG_2740 IMG_2758 IMG_2765 IMG_2769 IMG_2798 IMG_2800 IMG_2805 IMG_2817 IMG_2831 IMG_2840 IMG_2873 IMG_2878 IMG_2892 IMG_2903 IMG_2954 IMG_2981 IMG_2998 IMG_3044 IMG_3065 IMG_3068 IMG_3070 IMG_3091 IMG_3097 IMG_3103 IMG_3109 IMG_3116 IMG_3122 IMG_3130

Ceerigaabo SDN.

Qurbejoog.com

GUJI HALKAN OO MOBILKAAGA KA DHAGAYSO HADALKII WASIIR XIRSI IYO MADAXWEYNE SIILAANYO
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/SiilaanyoiyoXirsi.mp3″]