Uncategorized

Shir Heer Caalami ah oo lagaga Hadlayo Waxsoo saarka Somalia iyo Sida ay Dunnida ugu Xidhmi lahayd oo Dubai ka Furmay

Dubai 17.March 2014 (SDN)- Shir caalami ah oo ku saabsan horumarinta wax-soo-saarka Soomaaliya sida xoolaha, beeraha iyo kalluunka ayaa maanta oo Isniin ah ka furmay magaalada Dubai ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta.

SOPEC-300x225Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan beeraha ee FAO oo ka mid ah hay’adaha shirka soo qaban-qaabiyey ayaa sheegay in ujeeddada shirku tahay in hay’adaha caalamiga ah ee dhinaca dhaqaalaha iyo ganacsatada dunida loo bandhigo wax-soo-saarka Soomaalida.

Shirka oo ay goob-joog ka yihiin xubno ka tirsan dowladda federaalka iyo maamullada Soomaaliya ka jira ayaa lagu wadaa inuu dhiirri-gelin u noqdo maalgashiga lagu sameynayo wax-soo-saarka xoolaha, beeraha iyo kalluumeysiga Soomaaliya.

Hay’adaha soo qaban-qaabiyey shirka ayaa sheegay in waxyaabaha ay dhoofiyaan ganacsatada Soomaalida ah sida xoolaha iyo muuska sanadihii ugu dambeeyey ay aad  u kordheen,  loona baahan yahay in loo helo suuq-geyn muhiim ah.

Ganacsato Soomaalida oo ka qeyb-galaysa shirka ayaa Bar-kulan u sheegay inay ku rajo weyn yihiin in shirku noqon doono mid sanadle ah si loo dhiirri-galiyo wax-soo-saarka Soomaaliya.

Dubai SDN.

Qurbejoog.com