Kambala:18-Jan-2014(SDN)-Hoggaamada Ciidamada boliiska Dalalka Somaaliya iyo Uganda ayaa Xalay heshiis is-afgarad ah oo ay isaga kaashanayaan la-dagaallanka kooxaha argagixisada ah ku saxeexay magaalada Kampala.
Taliyaha booliska Soomaaliya Jeneraal Cabdixakiin Daahir Saacid iyo dhiggiisa Uganda Kale Kayihuru ayaa wada saxeexday heshiiska oo dhigaya in Uganda ay tababareyaal u dirto Soomaaliya, si aqoonta loogu kordhiyo booliska dalka, iyadoo labada dhinacna ay sidoo kale isweydaarsan doonaan xogaha sirdoonka.
Taliyaha booliska Uganda, Kale kayihuru ayaa sheegay in booliska Soomaaliya iyo kuwa dalkiisa ay wadaagi doonaan xog kasta oo lagula dagaallamayo aragagixisada iyo fal-dambiyeedyada labada dal, taas oo uu tilmaamay inay qeyb ka tahay wada-shaqeynta ururka madaxda booliska Bariga Afrika.
Waa markii ugu horraysay ee Ciidamada Booliska ee Labadan waddan ay heshiis ku saabtsan arrimaha Argagixisada kala Saxeexdaan, waxana ay taasi muujinaysaa inuu jiro dhib ay wadaagaan oo labada dhinacba haysata, taas oo ah Kooxaha xagjirka ah oo dagaal qadhaadh kula jira labada waddanba.
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com
