|

Halkan Kaga Bogo Halka Uu Salka Ku Hayo Khilaafka Sababay Inay Shalay Baaqato Dhaartii Golaha Wasiirada Cusub Ee Puntalnd

Garowe:31-Jan-2014(SDN)-Shacabka Reer Puntland ayaa mar qudha ku warhelay Khilaaf Cakiran oo u dhexeeya Waaxaha Kala Duwan ee u dhexeeya Dawladda Puntland.

WAS WASIIMaalintii shalay oo Khamiis ahayd ayaa lagu waday in  Madaxtooyada Lagu dhaariyo Golaha Wasiirrada ee uu dhawaan Soo Magacaabay Madaxweyne Cabdiweli, balse taasi ma ay dhicin oo dib ayey u dhacday.

Dhaarintii Golaha ayaa dhici weyday iyadoo Goobta laga Waayey Madaxdii Garsoorka oo iyagu ahaa kuwii dhaarin lahaa Wasiirrada, waxana la sheegay inuu Jiro Khilaaf Huursan oo dhex yaalla Golayaasha Sharcijedinta iyo Garsoorku.

Wararka ayaa sheegaya Gudoomiyaha maxkamadda sare ee Puntland Cabdiqaadir Cabdi Maxamuud uu qoraal u diray afhayeenka Gollaha Wakiiladda Siciid Xasan Shire kaasoo uu kaga codsanayo inuu kasoo jawaabo dacwad laga keenay 14-xildhibaan oo maxkamadda sare lasoo gaadhsiiyay, Balse uu Guddoomiyaha Baarlamaanku arrintaas ka Cago jiiday.

Gudoomiyaha maxkamadda ayaa la sheegayaa inuu ku amray xeer ilaaliyaha guud ee Puntland inuu dacwad kusoo oogo Gudoomiyaha Baarlamaanka Siciid Xasan Shire oo sida la aamisan yahay ay isku dhaceen Gudoomiyaha maxkamadda sare,taasoo salka ku haysa dacwada xildhibaanada qaar laga keenay oo baarlamaanku uu si hufan uga soo jawaabi waayay.

 

Madaxweynaha ayaa isku dayey inuu Arirta Soo Dhex galo inkastoo uu Hore u sheegay inuu Garsoorku yahay mid u madax bannaan Hawlihiisa Shaqo, balse wali wax natiijo ah kama uu keenin isku daygiisaas.

Khilaafka labada Golle u dhaxeeya ayaa wararku sheegayaan inuu sii xogaystay,kolkii uu madaxwayne Gaas badalay mowqifkiisa uuna damcay inuu dhex dhaxaadiyo gollaha Garsoonka iyo gollaha wakiiladda,madaxda gollaha garsoonka ayaa si cad u sheegay in la dhowro garsoonka Puntland.

 

Is-qabqabsigaan soo wajahay dowladda curdinka ah ee uu hoggaaminayo Cabdiwali Maxamed Cali (Gaas) ayaa la mid noqon karta,tii 2001-dii dhexmartay Madaxwaynihii hore Col.Cabdilaahi Yuusuf Axmed allaha u naxariistee iyo Gudoomiyihii maxkamadda sare ee barigaasi ahna gudoomiyaha gollaha garsoonka Aw.Yuusuf Xaaji Nuur.

Waxa sii Kordhaya Culaysyada sii fuulaya Dawladda Madaxweyne Cabdiweli, iyadoo qaar ka mid ah Qabiillada waaweyn ee Puntland degaa ay saluugood didadda  u soo saareen.

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed