|

Garaad Saleebaan Garaad Maxamed Oo Duufaano Colaadeed Ka Wada Deegaanada Bariga Somaliland, Kuna Dhawaaqay Tallaabooyin Dib Loogu Xoraynayo Deegaano Ka Maqan Gacanta Puntland

Garowe:31-Jan-2014 (SDN)-Doorashada Madaxweynaha Cusub ee Puntland, ayaa Durtaba La Dareemayaa inay Keentay Saan Saan Colaadeed oo ku Soo Aaddan Deegaanada  Bariga Somaliland.

garaad saleebaan Garaad Saleebaan Garaad Maxamed oo ka tirsan Isimada Goballada bariga Somaliland, ayaa si-cad u sheegay in Madaxweynaha maamul-gobaleedka Puntland ee Soomaaliyeed Cabdiwali Gas ku heshiyeen inay weerar ku qadaan xaduudaha Goballada bariga Somaliland, isagoo ku Andacooonaya inay Xoraynayaan.

Garaadka ayaa ka soo Kicitimay Magaalada Garoowe oo saldhig u ah waxana uu laba Cisho ka Hor soo Gaadhay Deegaanada Nugaal oo uu kaga Dhawaaqay inuu diyaar u yahay sidii uu Dagaal ula Geli lahaa Somaliland oo uu aaminsan yahay inay Xoog ku Haysato Dhul aanay Lahayn.

“Adeer Madaxweynaha Maamulka Puntland waxaanu ka wadahadalnay waxay ahayd sidii dagaal loogu qaadilahaa dhulka ka mid ka ah Puntland ee Somaliland xooga ku haysato, waxaanu nagu yidhi haddaad rabtaan inaannu waxaad wadataan idinku raacno waa in hadafku ku koobnaado dib-u-xoraynta deegaanada Somaliland gacanta ku hayso.”  Ayuu yidhi Garaa Saleebaan oo u warramayey Warbaahinta.

Garaadku waxa kale oo uu ka hadlay inuu ahaa gacanta ka dambaysay xildhibaanada laga magacaabay deegaamadaas, waxaanu yidhi, “Adeer go’aankasi go’aan aan si hawl yar ku gaadhay kaligay muu mahayn ee waa mid cuqaal iyo Isimadu u dhamayd oo degaanno kala geddisan joogana waannu isla falanqaynay go’aankaana dan baan u aragnay.” Sidoo kale Garaadka oo hadal dheer siiyay Idacadaas, ayaa sheegay in la yidhaahdo maxaa dhigay Garoowe, taas oo uu tilmaamay inuu dagaal kula jiro Somaliland, waxaanu yidhi,”Waxa la yidhaahdaa maxaa dhigay Garoowe, aniguna waxaan dagaal kula jiraa Somaliland gacanteeda looga soo celin lahaa deegaamada ay haysato. Anigu hadda waxaan ku suganahay deegaamada beeshaydu degto ee Sool iyo Sanaag, Cayn, gaar ahaa deegaamada Nugaal.”

Hadalkan ka soo Yeedhay Garaad Saleebaan ayaa ku soo Beegmaya Xilli Xukuumadda Somaliland sheeganayso inay Horumar Ballaadhan Gaadhsiisay Deegaamada Bariga, Waxana Shalay la Sheegay inay Diyaarad Rakaab Siddaa Fadhiisatay Garoonka Laascaanood.

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed