Hargaysa 05.Jan 2014 (SDN)-Shirweynaha 3aad ee xisbigha KULMIYE waxa uu ku mudaysanyahay 21/01/2014, hawshii shirweynaha waxa gacanta ku haya Gudiga Qabanqaabada ee loo xilsaaray diyaarinta iyo abaabulka shirweynaha, waxaanna u qabsoomay guddiga:
- 1. In la doortay Guddoonkii Guddiga oo kala ah;
Guddoomiye, Guddoomiye-ku-xigeenno, xoghaye iyo Afhayeen
- 2. Waxay diyaariyeen xeer-hoosaadkii hagayey hawlaha Guddiga
- 3. Waxay magacaabeen Guddi-hoosaadyadii u xilsaarnaa hawlaha kala duwan ee Qabanqaabada
- 4. Waxay diyaariyeen qorshe hawleedkii (work plan) guddigu ku shaqaynlahaayeen.
Sidaa Waxaa lagu Sheegay Warsaxaafadeed uu ku Saxeexan yahay Gudoomiye ku Xigeenka 1aad ee Xisbiga Kulmiye Mudane Maxamed Kaahin Axmed kaas oo lagu Yidhi Hawlahaas oo dhammaan ay guddiga Qabanqaabadu si madaxbannana u fuliyeen, sidaa darteed, hawlihii Qabanqaabada shirweynuhu waxay u socdaan si habsami ah, shirweynuhuna waxa uu qabsoomayaa muddadii loogu talogalay sida uu dhigayo xeerka xisbiga KULMIYE.
Fadhiyada Guddiga fulinta xisbiga waxa isugu yeedhi kara Guddoomiyaha xisbiga, ajandeyaasha Guddigana waxa diyaarinaya Xoghayaha Guud ee Xisbiga.
Sidaa darteed, warqada uu Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland isugu yeedhayo Guddiga Fulinta ee waliba uu ugu yeedhayo gurigiisa uu ku noolyahay, waxa ay baalmarsantahay sharciga iyo hab-dhaqanka xisbiga.
Arrintaasina waxay muujinaysaa shir gaar ah oo lagu wiiqayo habsami-u-socodka hawlaha qabashada shirweynaha xisbiga, kaas oo ka gudbay marxalado badan oo hore.
Xubnaha Gudiga Fulintana waxa lagu wargalinayaa in aan shirkaasi waxba jirin.
Sidoo kale Qoraalka Madaxweyne ku Xigeenku u diray Xisbiga Kulmiye ayaa u dhignaa Sidan:- Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md. C/raxmaan C/laahi Ismaaciil Saylici ayaa xubnaha Guddida Fulinta ee Xisbiga Kulmiye ugu baaqay shir deg deg ah oo berri galinka dambe ka dhici doona gurigiisa magaaladda Hargeysa.
Ku: dhamaan xubnaha guddida fulinta Xisbiga Kulmiye
Waxa la Ogeysiinayaa dhammaan xubnaha Gudida Fulinta ee Xisbiga KULMIYE in ay iskugu yimaadaan shir muhiim ah Guriga Madaxweyne ku xigeenka saddexda galabnimo ee Berri oo Isniin ah 06/01/2014.
Hogaanka Xisbiga Kulmiye
1. C/raxmaan C/laahi Ismaaciil Saylici Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland
2. Maxamed X Yuusuf Waabeeye Guddoomiye xigeenka 2aad ee Xisbiga Kulmiye
3. C/raxmaan Maxamed Talyanle Guddoomiye ku xigeenka 3aad ee Xisbiga Kulmiye
C/raxmaan C/laahi Ismaaciil Saylici
ALLAA MAHAD LEH
Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com
