Hargaysa 06.Jan 2014 (SDN)-Fadhigii maanta ee golaha wakiilada JSL oo uu shir gudoominayey gudoomiyaha golahaasi Md C/raxmaan Maxamed C/laahi(cirro) ayaa warbixin ka dhagaystay wasiirka wasaarada Tamarta iyo Macdanta Eng Xuseen Cabdi Ducaale.
Wasiirka wasaarada Tamarta iyo Macdanta Eng Xuseen Cabdi Ducaale ayaa mudanayaasha warbixin ka siiyey hawlaha balaadhan ee ay wasaaradiisu qaranka u hayso, isaga oo sheegay in ay qabato hawlaha soo saarista, kala xadaynta iyo horumarinta Tamarta iyo Macdanta.
Wasiirku waxa uu sheegay intii ay isku jireen Tamarta, Macdanta iyo Biyuhu in ay qodeen ilaa 50 ceel iyo mashruuca Biyaha ee xumbo-weyne oo ah mashruuca ugu weyn ee biyaha oo hawshiisu socoto, isaga oo intaa ku daray inuu curintiisa iyo ka midho dhalintiisa uu lahaa wasiir ahaan.
Wasiirku waxa uu sheegay in ay saddex shirkadood ay kula heshiiyeen in ay baadhaan macdanaha ku jira dalka balse aan ilaa hada wax ka soo baxay aanay jirin laakiin ay sii wadayaan ka midho dhalinteeda arrintaasi, wasiirku waxa kale oo xusay in todoba shirkadood ay heshiis kula galeen dhanka sahaminta shidaalka oo afar ka mida ay hawsha bilaabi-doonaan dhawaan,wuxuna tilmaamay in mandaqada aynu ku naalaa ay adagtahay in shirkadaha waaweyni ay maalgashadaan balse uu sheegay in ay isku dayeen in ay ku qanciyaan in ay dalkeena maal gashadaan siidaa darteed ay aqbaleen,iyada oo ay caqabado badani jiraan.
Wasiirku waxa uu cadeeyay in shirkada Gennel Energy ay si rasmiya ay shaqadeedii u bilaabi doonto iyada oo madaxdii u saraysay ay dalka yimaadeen dhamaadkii sannadkii hore iyo saddex shirkadood oo kale, isaga oo sheegay in ay dhamaystireen qabyo qoraalkii sharcigii kala xadaynayay korontada oo ay u gudbiyeen xafiiska qareenka guud ee dawlada golahana uu soo gaadhidoono.
Wasiirku waxa uu sheegay in wixii sharcigu siinayo golaha wakiilada in la soo mariyo sida heshiisyada ay horkeenidoonaa si sharciga waafaqsan.
Gabagabadii mudanayaasha golaha wakiilada ayaa wasiirka waeydiiyey su’aalo la xidhiidh hawlaha wasaaradiisa kuwaas oo wasiirku uga jawaabay.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com
