|

Shir Albaabadu U Xidhan Yihiin Oo Maanta Urur-goboleedka IGAD Ku Yeelan Doonaan Magaalada Addis Ababa Iyo Waxyaabaha Lagaga Hadli Doono

Addis Ababa:31-Jan-2014(SDN)-Warar Hoose Oo Laga Helayo Magaalada Addis Ababa ee Dalka Ethiopia, ayaa sheegay In Urur-Goboleedka IGAD ay Maanta Halkaas Kulan ku Yeelan Doonaan.

IGADShirkan  la Sheegayo inay IGAD yeelan Doonto oo ah mid deg deg ah ayaa urur goboleedka Madaxdoodu waxa ay kaga hadli doonaan ka mid noqoshada Dowlada Itoobiya ciidamada AMISOM oo dhawaan la ansixiyay in ay ka mid noqoto ciidankaas.

Ururka Midowga Afrika ayaa sheegay in ciidamada Itoobiya ay ka mid noqdeen ciidanka AMISOM ee howlaha ka wada dalka Somalia balse waxaa arinkaas wali ka hadlin urur goboleedka IGAD Madaxweyna yaashooda.

Kulankan ayaa waxaa warbixin looga dhageysan doonaa  R/wasaaraha Dowlada Itoobiya oo kaga hadli doona qaabka ay ciidamadiisa ugu howlgali doonaan Somalia iyo deegaanada ay fadhiisan doonaan.

Sidoo kale waxaa kulankaas ka hadli doona M/weyne Xasan Sheekh oo isagana ka hadli doona sida uu u arko in ciidamada Itoobiya ka mid noqoshada Ciidamada AMISOM iyo mowqifka DF Somalia ay ka qabto.

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed