|

Imaatinka Cirro ee Maanta, Abaabulka Soo Dhawaynta, Mudaharaadka Madaxtooyadda, Iyo xajiimaynta Jabuuti

Addis Ababa, 30 April, 2015-(SDN/QJ)-  Warar u dhuun daloola dhaqdhaqaaqyada gudaha qasriga Madaxtooyada, ayaa tibaaxay in Madaxtooyada iyo xubno ka tirsan Golaha Xukuumadu ku hawlan yihiin abaabulka dibad bax oo lagu barbaraynayo soo dhawayn taageerayaasha xisbiga waddani la sheegay inay ku soo dhawaynayaan Guddoomiyaha Golaha Wakiilada, ahna Guddoomiyaha Xisbiga mucaaridka ee WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo ka soo laabanaya safar dalka Turkiga uu ugu maqnaa.

 

Photo Fille

Photo Fille

Taageerayaasha xisbiga Waddani ayaa la sheegayaa inay isu diyaarinayaan soo dhawaynta gudoomiyaha xisbigooda oo ka soo laabanaya safar uu maalmo ugu maqnaa dalka Turkiga, isla markaana waxay wararku sheegeen in soo dhawaynta gudoomiyaha golaha wakiiladu jawaab u tahay dacaayaad siyaasdeed oo dhan ka ah gudoomiyaha oo ka yimi dhinaca madaxtooyada “ waxaas oo dhami waa dacaayad aan sal iyo raad toona lahayn. Waxa nasiib darro ah in telefishinkii iyo warbaahintii umadda ka dhaxaysay ay duullaan been abuur ah ku qaadaan gudoomiyaha golaha wakiiladda, isla markaana ah guddoomiyaha xisbiga waddani.

 

Waa nasiib darro qaranka ku dhacday. Xukuumaddu waxay tamar iyo tiqo ay ku sii negaato ka dayaysaa, in gudoomiye Cirro la xajiimeeyo, taasina waxba u tari mayso. Waxayse illowsan yihiin inay wax is yeelleen, qarankana wax yeeleen.

Tana kama duwana tii xilligii Rayaale lagu sameeyay madaxweyne Siilaanyo ee Kayse yidhi; Axmed Siilaanyo dalka ma soo geli karo. Tan maantana waxa sameeyay hogaanka sare ee xisbiga Kulmiye iyo madaxtooyadda kamana duwana wanjalaadaa hore.” sidaa waxa yidhi Axmed Cumar Xaaji Cabdillaahi(xamarje) oo ka mid ah hogaamiyayaasha xisbiga waddani oo wargeyska Ogaal khadka telefoonka wax kaga waydiiyay arrinkaa.

Wuxuu intaa ku sii daray oo uu yidhi, “ waxa nasiib darro kale ah in la xajiimeeyo dawladaha jaarka sida Jabuuti. Jabuuti markay waday dhexdhexaadinta Somaliland iyo Soomaaliya may qarsan oo waa tii la wada ogaa doorkeeda, markaa in maanta la xajiimeeyo xidhiidhka wanaagsan ee inaga dhexeeya oo lagu gefo wasiirka arrimaha dibada dalkaa, maaha mid qabata, anagaana xaal ka siinayna. Kulmiye iyo madaxtooyadana waxaan leeyahay rafadku yaanuu idinka xumaanin”.

Xamarje mar Ogaal wax ka waydiiyay soo laabashada gudoomiyaha xisbigooda iyo soo dhawayn la sheegay in loo samaynayo wuxuu  intaa sii raaciyay oo uu yidhi, “Gudoomiye Cirro wuu imanayaa, si wayna waa loo soo dhawaynayaa”.

Dhinaca kale   Warbaahinta dawladda ayaa maalmihii u dambeeyay faafinaysay warar sheegayay in Gudoomiye Cirro la kulmay Madaxweynaha Soomaaliya, wasiirka arrimaha dibadda dalka Jabuutina uu sadexaynayay labadooda, isla markaana waxay warbaahinta dawladu baahisay warqad leh astaanta golaha wakiiladda oo loo dhigay inuu u diray dawladda Finland. Wararkaa isku xidhnaa waxa kale oo ay warbaahinta dawladdu raacisay barnaamijyo kaambayn ah oo dhamaantood duulimaad ku ahaa shakhsiyada gudoomiyaha golaha wakiiladda, balse  macna ahaan aan la miisaamin inay Cirro wax yeelayaan iyo inay qaranka iyo qaddiyada wax u dhimayaan, isla markaana waxa si wayn u beeniyay gudoomiye Cirro, xoghayaha golaha wakiiladda iyo xisbiga waddani oo ku tilmaamay wanjal iyo been abuur aan runta raad ku lahayn. Wararkaasi waxa kale oo ay tusmaynayeen magaca dawladda Jabuuti  oo ay ku lamaanaynayeen gudoomiye Cirro, taasoo dhalisay su,aal la xidhiidha waxa iska bedelay xidhiidhkii labada xukuumadood.

Intaas ka sokow warar laga soo xigtay illo ku dhawdhaw madaxtooyada ayaa tibaaxay, inuu jiro dhaqdhaqaaq dulucdiisu tahay in lagu mudaharaado gudoomiye Cirro, isla markaana waxay xoguhu intaa ku dareen in qorshahaa ay ku jiraan qaar ka mid ah wasiiradda ugu awooda badan ee taladda madaxtooyada waqtigan wax ku lihi, kuwaasoo la tilmaamay inay yihiin kuwa caalamku ku eeddeeyay kuwa hor taagan dhicida doorashada iyo geedi socodka dimoqraadiyada.

Xukuumadda talada haysa ayaa loo arkaa haatan mid lumisay kalsoonidii saaxiibada caalamka iyo tiqadii gudahaba, isla markaana waajahday go,doon siyaasadeed.

Comments are closed