|

Jaalliyada Beesha Hargeysa Ee Seattle Oo Lacag Ugu Deeqay Dib Udhiska Wadada Cad

Seatttle July 31,2012Jaalliyada Beelaha Ciidagale ee Magaalada Seattle oo $8,000 Sideed-kun oo D0llar oo ah qabtii uhoraysay ee ay kaga qayb qaadanayaan mashruuca dib udhiska Wadada Cad ee isku xidhaysa Hargeysa Ilaayo Sallaxley ku shubay Account-ka dhib udhiska Wadada Cad.
Kulan ay shallay iskugu yimaadeen Gudida Wadada Cad ee magaalada Seattle iyo xubno ka tirsan beelaha Ciidagale ayay gudidu kaga dhawaaqeen inay $8,000 Sideed-kun oo Dollar ku shubeen Account-ka Dib udhiska Wadada Cad islamarkaana ay wali wadaan hawsha lacag guritaanka ee wadada, waxaanay gudidu aad iyo aad ugu mahadnaqeen Haweenka beel-weynta Ciidagale ee Seattle oo runtii qayb laxaadle ka qaatay walina ku hawlan hawshan socota, Waxaanay gudidu Ilaahay uga baryeen qofkasta oo wax ku darsaday, anba ku darsan doona Mashruucan Saddaqatu Jaariyada ah Inuu Miisaanka Xanaadka usaaro waa bil barakaysane.
Dhanka kale gudidu waxay Jaalliyada Xasuusiyeen in aan Mashruucan lagu iloobin Mashaariicdii Urur-weynaha Gaaroodi uu deegaanka ka hayo ee dhinacyada waxbarashada Iskuulada Boardingka ah iyo Cisbitaalka Dhalaanka Iyo Hooyada ee Magaalada Sallaxley oo intuba ubaahan inaynu garab istaagno oo aynu gacan siino cid kasta oo Horumar kusoo kordhinaysa Jamhuuriyada Somaliland, Waxaanay gudidu xuseen in sannadkan ay jiraan Wadooyin badan oo dalka laga bineeyay sidaasi darteedna loo baahan yahay in laga wada qayb qaato mashaariicda ka socda deegaanada kala duwan ee Jamhuuriyada Somaliland.
Ugu dambeyntii gudidu waxay ugu baaqeen bulsho-weynta beelaha Ciidagale ee ku nool gobolada kala duwan ee dalka Maraykanka in gobol waliba kasoo dhalaalo kaalintiisa.
Gudida Wadada Cad Ee Reer Seattle.
1-Khadar Ismaaciil Cilmi.
2-Canab Jaamac Xayd.
3-Cabdiraxmaan Cali Qaalib.
4-Xusseen Cabdilaahi Faarax.
5-Aamina Nuur Muxumed.
6-Oday Maxamed Nuur (Ina Nuuryare).
7- Oday Cismaan Qalanboosh.

Comments are closed