|

Taliyaha Booliska Somaliland oo ka hadlay tirada Tuugta ay Hargeysa ku qabteen todobaadyadii u dambeeyay iyo inta Maxkamad la horgeeyay

Hargeysa 31, July 2012 (SDN)- Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Cabdullaahi Fadal Iimaan, ayaa faahfaahin ka bixiyay hawlgalo uu sheegay inay ciidanka Boolisku ka sameeyeen xaafaddaha magaalada caasimadda ah ee Hargeysa.

Taliyaha oo u waramay warbaahinta dawladda waxa uu sheegay in hawlgaladan oo la fuliyey dhawrkii todobaad ee u dambeeyay lagu soo qabqabtay in ka badan 50 Tuug oo la aaminsan yahay inay yihiin kuwii ugu waaweynaa, uguna khatarta badnaa. “Hawlagaladan waxaa looga gol leeyahay in la xoojiyo ammaanka dadka iyo dalka inta lagu jiro bisha barakaysan ee ramadaanta maadaama beryahan dambe dadku ay cabashooyin ka muujinayeen tuugta” ayuu yidhi taliyaha Booliska Somaliland Cabdilaahi Fadal Iimaan.

Taliye Fadal waxa uu sheegay in 34 ka mid ah Tuugtaasi Maxkamad la horgeeyey loona gudbiyey xabsiyada ugu dhow, isagoo sidoo kale ku baraarujiyey taliye qaybeedyada gobolada kale ee dalka inay qaadaan hawlgalo noocan oo kale ah, halka sidoo kale taliyuhu farriin adag u diray wadayaasha basaska ardayda qaada oo uu ku sheegay inay xawaare dheereeya ku socdaan xilli ay waddooyinku cidhiidhi yihiin.

Qurbejoog.com, Hargeysa

editor@somalidiasporanews.com

Comments are closed