Aleppo Jan 07,2013(SDN)-Jabhada xoreynta Syria ayaa digniin ay u dirtay dagaalyahanada shisheeye ee ka garab dagaalama ciidamada Islaamiyiinta ee dawlada Islamiga Ciraaq iyo Sham waxa ay xabsiga dhigtay dagaalyahano kor u dhafaya 200 oo shisheeye.
“Iminka waxaan mar kale ku celineynaa in aynaan dooneyn dagaal yahano ajaanib ah oo Syria sii joogaan,ma dooneyno argegixiso dalkeena xarun ka dhigata”sidaa waxaa yiri afhayeenka Jabhada Xoreynta Syria Loauy Mokdad.
Hadalkan ayaa imanaya ka dib dagaalo sokeeye oo dhawaan dalkaas ku dhexmaray ciidamada asala raaca ah iyo kuwa qunyar socodka ah ee ka soo wada horjeeda dawlada Bashaar Al Asaad.
Jabhada xoreynta Syria ayaa jabhadaha kale ee Islaaiga ah ku eedeysay in ay laayeen qaar ka mida madaxda Kacdoonka isla markaana ay tacadiyo u geysteen shacablka.
SDN-Aleppo
contact@somalidiasporanews.com
