Baqdad Jan 07,2013(SDN)-Dagaalo iyo qaraxyo ay boqolaal dad ahi ku dhinteen ayaa maalmhii ina dhaafay ka dhacay dalka Ciraaq oo amaankiisu xumaaday intii ka danbeysay kolkii ay ciidamadii Mareykanku dalkaa isaga bexeen bishii April.
Dagaaladan soo cusboonaadey ayaa walaac gaar ah ku haya dawlada Mareykanka oo daneyneysa in dalkaasi aanu gacanta u gelin cid aan iyaga rafiiq la aheyn.
Xoghayaha arrimaha dibedda ee dalka Mareykanka ayaa sheegay in ay aad uga walaacsan yihiin colaadaha sii baahaya ee Ciraaq balse aaney ciidamadoodu dib ugu noqon doonin dalkaasi.
Dagaalyahano Islaamiyiin ah ayaa dagaalo ay degaano badan ku qabsadeen waxa ay la galeen ciidamo beeleedyo Suni ah iyo ciidamada dawlada Shiicada ah ah ee dalka Ciraaq.
Islkaamiyiinta ayaa hore waxa dalkaasi uga sifeeyay dagaal yahano Suni ah oo diiday in degaanadooda ay taageereyaasha Al Qaacida xarun ka sameystaan.
Iminkase waxaaa muuqda in suniyiinta Ciraaq ay ka soo horjeesteen dawlada Shiicadu hogaamiso ee dalkaasi,waana ta fursada siisay Al Qaacida.
Warbaahinta caalamka ayaa aad looga daawanayay maalmihii ina dhaafay weeraro dhanka cirka ah oo ay ciidamada dawlada Ciraaq ku qaadeen dagaal yahao ay ku sheegeen in ay yihiin Al Qaacida.
Sidoo kale dadka degaanka Feluuja ayaa diiday in ay ciidamada dawladu degaanadooda cag soo dhigaan,waxaaney bilaabeen in ay difaacyo dagaal ka sameystaan halkaa.
Maalmaha soo socda ayaa ah kuwo muhiimad gaar ah u leh dalka Ciraaq oo u sii xuubsiibanaya dagaal sokeeye.
SDN-Baqdaad
contact@somalidiasporanews.com
