|

Saameynta Dagaalada Yemen Ee Somaliland!

LIIBOHargeysa:Mar,31,2015(SDN/QJ)-Waxay ahayd uun markii dhawaan uun ay ka hureen xasarado qulqulatooyin dagaalo ah wadanka aynu jaarka nahay ee yemen , sidaad akhriste intii badan ka war qabtaana wadanka yemen waa wadan aynu wadaagno cilaaqaad iyo xidhiidho dhinacyo badan leh waxa laga yaabaa inaanay inoo muuqan xidhiidhadaas sababta oo ah ma wadaagno xidhiidh siyaasadeed oo xoog badan balse waxaynu wadaagnaa mid dhaqan dhaqaale wax is dhaafsi ah Hadii aan ku horeeyo xidhiidhka ugu horeeya ee aynu wadaagno oo ah mid nafsiyan ah markaan leeyahay nafsiyan waxa laga yaabaa inaad akhriste qariibsato balse waxaynu nahay laba wadan oo muslim ah oo walaalo ah sidoo kale waxaynu ognahay in halka ay diinteenu dhigtay xidhiidhka dadka islaamka ah iyo siday dhibta u wada dareemayaan, waxaan ognahay in islaamku yahay jidh kaliya oo hadiii fari bokooto uu wada dareemayo xanuunka  ayaynaa dagaalka iyo xanuunka  waana taas xidhiidhka naf qaybisga ah ee inaga dhexeeyaa waxaanaynu u rajaynayaa in dhibta iyo kurbada Alle ka yareeyo.

Geesta kale waxyaabaha kale ee saamaynta inagu leh ee inaga dhaxeeya waxa ka mida.

Waxaynu yemen leenahay xidhiidh ganacsi oo ku dhisan (Import And Export) wax u dhoofin iyo waxa la soo dagid.

Waxa yemen ka soo dhoofsanaa alaabo kala gedisan oo u badan bagaash

iyo shiidaal waxaanay allaabahaasi isticmaalkeena ugu jiraan kaalin wax ku ool ah waxaana hadaad eegto qiimaha iyo wakhtiga ay wadanku ku soo

gaadhan oo ka jaban hadii meel kale laga soo waaridi lahaa oo kor u qaadi lahayd qiimaha bulshadu ku iibinayso waxyaabaha ugu waaweyn ee

qiimahoogu kor u kacayo bulshaduna dareemayso waxa ka mida

Toonta: aynu dhariga iyo cuntada u isticmaalno oo inteeda badan aynu kala soo degi jirnay yemen.

Dharka : inta badan waxa jira ganacsatada dharka jumlada ah inay qaar ka mid ahi ka keeni jireen dharka wadanka yemen waxaanu taraxayay oo uu ilaalinayay dharka kale ee ka yimaada meelaha ka fog inaanu qiimahoogu kicin.

Bagaashka: inta badan bagaashyada ay ka mid ka yihiin buskudada , caanaha la cabo  beedka , xinaha, uduga iyo bagaashyo kale oo wadanka ka ganacsigoogu ku badan yahay ayaa iyaguna ka yimaada wadanka yemen.

Agabka waxbarashada (Stationery) : waxa iyaguna ka yimaada agabka

waxbarashada sida kutubta diiniga ah iyo waxyaabaha kale ee aasaasiga u ah waxbarashada ayaa ahaa waxyaabaha mihiimka ah ee inooga imanayay wadanka yemen.

Shiidaalka :  inkastoo hada aanan ka hayn xog sugan hadana waxa jiray shiidaal inooga yimaada wadanka yemen kaas oo runtii ahaa mid jaban oo isla markaana ahaa waxyaabaha mihiimka ah ee inooga yimaada isla

markaana ilaalin jiray inaanu suuqa ku yaraan shiidaalku si aanu u qaaliyoobin.

Dhinaca kale waxyaabaha aynu u dhoofin jirnay wadanka yemen waxa ugu mihiimsan .

Ganacsiga Xoolaha Nool: Akhriste waxaynu wada ogsoonahay in ka ganacsiga xoolaha nool inay yihiin hantida ugu weyn ee aynu haysano isla markaana ay yihiin laf-dhabarta nolosheena waxaana aynu yemen u dhoofinaa xoolahaas mihiimka inoo ah kuna darsoo akhriste hadii wadanka sucuudiga oo ah wadanka aynu xoolaha u badan u dhoofino uu  joojiyo dhoofkaas wadanka yemen waa meesha kaliya ee aan joojin dhoofkaas ee mar walba loo dhoofiyo sidoo kale waa meel looga sii gudbiyo sucuudiga hadii uu toos u joojiyo waxaana inta badan kuba xidhan ganacsto reer soomaalilaand ah oo iyagu mar walba u dhoofiya .

Waxyaabaha kale aynu u dirno waxa ka mida ardayda waxbarashada kala duwan ku soo qaadata sida maadiga iyo diinigaba, waxa laga yaabaa markaan arday idhaahdo inaad yaabto balse ardaydu waa hantida wadanka waxaana yemen wax ku soo barta arday kala duwan oo leh maadi iyo diiniba hadeertadaa colaadu ka aloosan tahayna ku sugan.

Isku soo wada duuboo waxaayabaha aynu kala soo dagno wadankaas yemen waxay ahayeen waxyaabo ganacsigeena xoojinaya isla markaana qiimaha iyo wakhtigaba yaraynayay.

Geesta kale waxaayabaha aynu u dhoofinaana waxay ahayeen waxa kaliya ee aynu u leenahay wax soo saar sidoo kalena waxay ahaayeen waxyaabo aan inta badan istaagi jirin dakhligeenaan miyi iyo magaalaba xoojinayay.

Intaasina waa saamaynta uu inagu yeelanayo ee ii muuqatay waanay jiri karaan inuu saamayn intaa ka badan inagu yeelan karo akhriste

 

Qalinkii: Liban Ismail Abdilahi

Email: Liibaanhanad79@gmail.com

Comments are closed