Nairobi:June,20,2015(SDN/QJ)-Waaxda Dalka Kenya u qaabilsan dhinaca ammaanka ayaa warar dheeraad ah kasoo saartay Xubno katirsan Ururka Al-shabaab, kuwaas oo gudaha Dalkaas ka wado Weerarro joogto ah.
Hadal kasoo baxey Wasaaradda Arrimaha Gudaha Kenya ayaa lagaga codsadey shacabka inay soo gudbiyaan xogta ku saabsan kooxdan la sheegey iney baxsanayaan iyadoo ay ku jiraan xubno dhaawac ahi.
Warbixntan ayaa sheegeysa in kooxda la raadinayo ka qayb qaateen weerarkii dhowaan lagu qaadey xero ciidamada Kenya ku leeyihiin agagaarka degaanka Lamu.
Soddon iyo siddeed xubnood oo ka tirsan ciidamo lagu magacaabo Jeysh Ayman kuwasoo ururka Al-shabaab ku jiheeyey la dagaalanka ciidamada Kenya ayaan xogtooda khaaska ah lasoo wada bandhigin.
Booliska Kenya ayaa sidoo kale soo bandhigey magacyada shan xubnood oo ka tirsanaa kooxda ururka Al-shabaab ee weerarka ku qaadey xero ciidamada Kenya (KDF) ku leeyihiin Lamu kuwasoo kala ah Ahmed Mueller, Ramadhan Kioko loo yaqaano Abu Nuseiba loo yaqaano Pinji, Thomas Evans Anthony loo yaqaano Musa Uk, Lukman Osman Issa oo loo yaqaano Shirwa iyo Said Hemed Abdalla.
Laba ka tirsan kooxdan oo kala ah Lukman Osma Issa iyo Said Hemed, oo weerarka ku soo qaadey xeradan ayaa ciidamada KDF dileen. Xubnahan ka tirsan ururka Al-shabaab kuwasoo magacyadooda la soo bandhigey ayaa waxaa kamid ah Ahmed Mueller (43jir) oo dhalashadiisu tahay wadanka Jarmalka.
Ahmed Mueller oo k tirsan ururka Al-qacida ayaa xogtani sheegaysaa inuu dhaawac yahay uuna waqtigan ku dhuumaaleysanayo gudaha wadanka Kenya. Mueller oo wadanka Somalia tagey dabaayaqadii sanadka 2011 isagoo 2012 mar isu diyaariyey qarax Ismiidaamin ah balse aan hirgalin ayaa la rumeysan yahay inuu ka tirsanaan jirey saxiibada Axmad Godane.
Ninka labaad ee warbixntiisa la soo bandhigey ayaa ah Ramadan Kioko oo loo yaqaan Abu Nuseiba ayaa ururka Al-shabaab kamid noqdey 2008 isagoo ka tagey magaalada Nairobi xaafada Majengo.
Kioko ayaa 2012 wiilkiisa oo Toban jir ah kexeystey isaga oo dalka Somalia ku guursadey xaas magaceeda la yidhaahdo Xaawo.
Kioko ayaa warbixntani sheegeysaa inta aanu ka tagin magaalada Nairobi inuu caan ku ahaa xadista jeebabka dadka isaga oo ku kasbadey magaca la yidhaahdo “Pinji” kaasoo markii dambe iska badaley.
SDN/QJ
