Uncategorized

Obamaha Maraykanka Oo Dhawaan Booqan Doona Dalka Ethiopia

Washington:June,20,2015(SDN/QJ)-Sida lagu shaaciyey war laga soo saaray Aqalka Cad ee Dalka Maraykanka looga Arrimiyo, waxa Bisha soo socota ee Jully Magaalada Addis Ababa Booqan doona Madaxweynaha Dalka Maraykanka Barack Obama.

OBAMAXoghayaha Saxaafadda Aqalka Cad Mareykanka, Josh Earnest, ayaa Warbaahinta u sheegay Madaxweynaha in uu taggi doono Addis Ababa, ka dib marka uu booqdo Magaalada Nairobi ee Caasimadda Kenya.

Xoghayaha, ayaa sheegay Madaxweyne Obama uu noqon doono Madaxweynihii ugu horeeyay oo Mareykan ah, xilkana haya oo booqda Magaalada Caasimadda ah ee Addis Ababa.

Xoghayaha, ayaa tibaaxay in Madaxweynaha Mareykanka uu Madaxda Itoobiya kala hadli doono arrimo, ay ka mid yihiin xoojinta ammaanka, kobaca dhaqaalaha iyo sidii sare loogu qaadi lahaa xoojinta nidaamka dimoqraadiyadda.

Dhanka kale Barack Obama, ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Kenya waxa uu kaga qaybgeli doonnaa shir la xidhiidha hal abuurka ganacsiga. xilli hoos u dhac weyn uu ku yimid waxyaabaha Kenya, ay dibadda u dhoofiso.

Aabaha dhalay Obama, ayaa ka soo jeeday dalka Kenya. Waxayna Xukuumadda Washington marar badan ku celcelisay inay Kenya kala shaqayn doonto arrimaha ammaanka iyo la dagaalanka argagaxisada.

Obama, ayaa intii uu xilka hayey wuxuu booqday dalal Afrikaan ah, waxaana laga xusi karaa Masar, Senegal, Ghana, South Africa iyo Tanzania.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com