|

Reer Gar-adag Oo Madaxweyne Siilaanyo Hadyad uga Dhigay Geenyo Lammaan Iyo Dareenkii Uu Ku Qaabilay

Gar-adag:Jully,31,2015(SDN/QJ):Madaxweyne Siilaanyo iyo waftiga u hoggaaminayo ee Socdaalka ku jooga Gobollada Bari ee dalka, ayaa soo dhaweynno soo jiidasho mudan kala kulmaya deegaanada ay marayaan, waxana Shacabweynaha Reer Gar-adag oo kamid ah Goobaha waftigaasi sii mareen Madaxweynaha ku maamuuseen hadyad aad u qaali ah oo madaxweynaha si weyn u farxadgelisay.

geenyReer Gar-adag oo xiiso gaar ah u qabay madaxweynaha iyo waftigiisa, ayaa madaxweynaha midigta ka geliyey Geenyo lammaan oo waliba dhalmo-cusbo ah, waxana madaxweynuhu midigta qabsaday Geenyadaas isagoo ay wajigiisa ka muuqatay farxad aad u ballaadhani.

Hadyadda Reer Gar-adag madaxweynaha Midigta ka saareen, ayaa ah xoolo Dadka soomaalida ahi si weyn u tixgeliyaan, waxana taasi markhaati ka noqonaysa sida madaxweynuhu  ugu farxay xilligii la guddoonsiinayey.

Arrintan ayaa Waxay Ka Turjumaysaa Sida ay UguHanweyn Yihiin Madaxweynahooda Dadka Deegaankaasi Isla Markaana U Jecelyihiin Inuu Talada Dalka Gacanta Ku Soii Hayo.

 

Comments are closed