Uncategorized

Madaxtooyada Somaliland Oo Si Weyn u Saluugtay Qaabkii Uu Cukuse u Shaaciyey Musharaxnimada Siilaanyo iyo Madaxweynaha Oo Ka Fal-celiyey

Hargeysa:May,10,2014(SDN/QJ)-Wararka Hoose ee laga helayo aqalka madaxtooyada Somaliland, ayaa muujinaya in Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo Wacgelinta Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir (cukuse) si weyn loogu canaantay iclaaminta musharaxnimada Madaxweyne Siilaanyo ee shanta sano ee soo Socota.

cucuSida ay wararku sheegayaan, waxa Hadalkaas si kedis ah oo aan talo wada-jir ah lagu sheegin ay afkiisa uga soo baxday Wasiirka warfaafinta, xilli uu madaxweyne Maalin ka hor  hor tegay Golaha Wakiillada iyo Guurtida oo uu ka muquurtay inaanu Arrintaas sheegin, waxana ay taasi keentay in wasiir cukuse uu  falcelino liddi ku ah dhawaaqiisa ka helo madaxtooyada.

Guriga Madaxtooyada ayaa wasiirka warfaafinta ku canaantay Hadalka uu warbaahinta mariyey ee aan loo igman, waxana loo sheegay inuu baahiyey sir madaxtooyadu lahayd oo aan loogu talo gelin in si dhib yar loo ogaado.

Wasiirka ayaa sidoo kale lagu wargeliyey inuu dhinac ka dhaafay oo ka hormaray taladii madaxtooyada oo ahayd inaan si dhib yar loo shaacinin  musharaxnimada Madaxtooyada, maadaama la doonayo in madaxweyne Siilaanyo uu u shaaciyo Musharaxnimadiisa qaab ishaa-falatayn  ah oo uu marka hore baadhitaan badan iyo  u fiirsasho sameeyo.

Wasiirka ayaa la sheegayaa inuu dhinaiciisa Eedahaas uga jeeday inuu warka madaxweynaha Gaadhsiiyo warkii uu dhawaan Muuse Biixi sheegay, si aan musharaxnimada madaxweynuhu u noqonin mid soo habsaanta oo xilli dambe soo baxda, balse wali taas laguma qancin oo madaxtooyada dhexdeeda waxa buux dhaafiyey Eedaha loo jeedinayo wasiir cuskue iyo waliba Ashkatada loogu jeedinayo inuu sir madaxtooyo Talo la’aan dibadda ku geeyey.

Inta badan dadka jecel inuu madaxweyne Siilaanyo mar kale talada ku soo noqdo si ay xilal u helaan, balse aanay intaas  wax kale u dhaafsiisnayn ayaa taageeray Dhawaaqa wasiirka, balse Masuuliyiinta iyagu jecel in madaxweyne Siilaanyo Hanaan cilmiyeysan oo aan Habaqle ahayn isu soo taago, ayaa naqdiyey Hadalkii wasiirku sida fudud ugu  iclaamamiyey musharaxniamda Madaxweynaha, maadaama ay Qaabkaas  u arkaan mid bahdilaad ku ah madaxweyne Siilaanyo oo lagu tilmaamo Ruug-caddaa siyaasadeed.

Kooxda Wasiir Cukuse ka soo horjeedsatay ayaa wali ku andacoonaya in Dhawaaqaasi yahay mid wax u dhimaya sumcadda iyo karaamada madaxweynaha, maadaama  uu isaguba ka gaabsaday inuu musharaxnimadiisa shaaciyo maalintii uu Golayaasha ka hor hadlayey, taasina ay sida xaqiiqda ah ku qurux badanayn inay ka soo baxdo afka Madaxweynaha.

Kooxda kale ee iyaga Hammigoodu yahay inay madaxweyne Siilaannyo Shan sano oo kale ku arkaan Aqalka madaxtooyada si aanay xil la’aani ugu dhicin ayaa Hambalyeyn iyo Bogaadin la daba jooga Wasiir cukuse, waxana ay u arkaan inuu yahay Geesi ku dhiirraday inuu Muse Biixi Hadal ka daba tuuro intaanu umadda dhegahooda wada qabsan.

Marka la eego falcelinta uu dhawaaqii wasiir cukuse ka helay Madaxtooyada, gaar ahaan sida uu hadalkaas u arkay madaxweyne Siilaanyo, ayaa waxa muuqata inaan lagu qancin qaabka loo shaaciyey musharaxnimada madaxweynaha, waxana la Go’aansaday in dib loogu noqdo habka loo shaacinayo musharaxnimada madaxweyne Siilaanyo.

Madaxweyne Silaanyo ayaa qudhiisu la sheegay inaanu ku farxin habka loo iclaamiyey musharaxnimadiisa, waxana uu wasiirka warfaafinta ku canaantay inuu arrinntaas ku degdegay oo aanu taladeeda badsanin.

 

 

SDN/QJ-Hargeysa

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com