Hargaysa 09.Aug 2015 (SDN/QJ)-Suldaanka Guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, ayaa hadal ku duray murashaxa xisbiga mucaaridka ah ee Ucid Jamaal Cali Xuseen iyo Guddoomiyaha xisbigaas Eng. Faysal Cali Waraabe, isla markaana weedhahaas waxa ka damqaday Faysal Cali Waraabe oo kaga dareen-celiyey in waqtiga maanta loo baahnayn hadalka ka soo yeedhay Suldaankiisa oo taabtay meel xun.
Suldaan Cabdiqaadir oo hadalkan maanta ka jeediyey qado sharaf uu u sameeyay Murashaxa Jagada Madaxweyne ee Xisbiga Ucid Jamaal Cali Xuseen Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin, isla markaana munaasibadaas ayaa is badeshay oo yeelatay waji kale iyo buuq ka dhashay hadalka Suldaanku uu madashaas ku soo bandhigay awood dari uu sheegay inay ka Muuqato Xisbiga Ucid.
Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, ayaa sheegay innaanay garanayn sababaha keenay, haddii dadka reer Somaliland ee ka baxa labada xisbi ee kale u galiwaayeen ucid, laakiin mar walba lagu biro oo kaliya labada xisbi ee Waddani iyo Kulmiye. “Horta haddii Xisbi la galayo Xisbiga la galayaa waa Waddani, haddii Waddani laga baxana waa Xisbiga Kulmiye ayaa lagu biiraa. Waxa la yaab leh marka Kulmiye laga baxo Waddani uun-baa lagalayaa aawey Xisbigii Ucid ee dalka ka jira, waxaa la idiinka baahan yahay inaad dhaqdhaqaaq muujisaan. Jamaalow Murashaxbaad tahaye wali miyaad noo timid waxaa qurux badan inaad Beesha Ciidagale u timaado codbaad ka dooneysaaye, anagaa Arabka kuu gayn, anagaa Isaxaaqa kuu Gayn”Ayuu yidhi Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir.
Suldaanku wuxuu intaa ku daray oo uu yidhi,”Maalin walba waxaanu maqalnaa Ucid waa la iibinayaa, miyay taasi habooneyd, anagu waanu idin dhiirigalinaynaa, maxaa keenay in xisbiga Ucid cidba gali weydo oo ay dadku ka yacaan.”
Geesta kale, hadalkaas Suldaanku ku dhaliilay hogaamiyaasha Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid ayaa, u muuqdey mid uu ku dardargalinayey Xisbigaasi inkastoo Jamaal Cali Xuseen Murashaxa jagada Madaxweyne ee Xisbiga Ucid uu si cadho ah uga jawaabay hadalkaas Suldaanka, halka Guddoomiye Faysalna ay ku abuurtay cadho iyo wajigiisa oo madoobaaday”Horta maanta qado sharaf ayay aheyd, oo Siyaasad ugu maynaan talagalin. Hadii aanu Siyaasad u jeedno Xarunta Ucid ayaanu tagi laheyn, Suldaanka ayaa soo dhigay Xisbiga Ucid dhaliilihiisa uma jeedo dhaliil Xisbiga Ucid ee Saxaafada ayuu ugu abuurayaa, boqol waxbaanu haynaaye anaguba hadaanu nidhaa Suldaanka dhaliilahaasaanu u haynaa sow ceeb ma aha Xisbiga wuu qabsadey Shirkiisii Golihiisii Dhexena wuu dhisan yahay. Looma Baahno inuu Suldaanku waxaas ka hadlo, waana ka xumahay innuu galo wax aan shaqadiisa ahayn, anaguba waxaanu haynaa ceebo badan oo uu leeyahay”Ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.
