Hargeysa:June,21,2015(SDN/QJ)-Madaxweynaha Somaliland iyo wafti uu hoggaaminayo, ayaa goor dhaweyd u amba baxay dalka Ethiopia iyadoo uu marti-qaad ka helay Ra’isal wasaaraha Dalkaas Haile Deselem.
Madaxweynaha oo war kooban warbaahinta ku siiyey madaarka Cigaal ayaa sheegay inuu socdaalkiisu salka ku hayo arrimo dalalka somaliland iyo Ethiopia dani ug jirto oo budhig u ah xidhiidha isfaham ee labada dhinac u dhexeeya.
Madaxweynaha oo ay safarkiisa ku wehelinayeen Wasiirrada Arrimaha Dibadda, Gudaha, Madaxtooyada, Marwadiisa iyo xubno kale oo saaxiibo dhaw la ah, ayaa u socdaalay Dalkaas oo uu dhawaan uun safar hal maalin ah kusoo maray xilli uu dalka imaraadka kasoo noqday.
Wararka aanu hayno, ayaa sheegaya in labada dhinac ka wada Hadli doonaan caqabado ku yimi shirar wasiirro labada dawladood katirsan Bishan gudaheeda iskugu iman lahaayeen, kuwaas lagu kala saxeexan lahaa heshiisyo si weyn loo sugayey oo dhinaca ganacsiga iyo iskaashiga ku saabsanaa.
Warku waxa uu intaas ku daray in Dawladda Ethiopia ka hadalka arrimahaas ay uga maarimi weyday Madaxweyne Siilaanyo, waxana madaxweynaha iyo Ra’isal wasaaaruhu si weyn ulafo guri doonnaan Heshiiskaas iyo caqabadaha hortaagan.
Ethiopia ayaa ah dalka uu madaxweyne Siilaanyo safarrada ugu badan ku tegay muddadii uu xilkaas hayey, waxana inta badan uu ku maraa safarrada uu dalalka kale ugu sii baxayo.
Madaxweyne Siilaanyo, ayaa saaka sidoo kale si kooban uga Hadlay Qabyada ku jirta Heshiiskii Axsaabta iyo xukuumaddiisu wada galeen, waxana uu carrabka ku dhuftay in Marka la eego muddo-kordhintii Guurtida iyo Heshiiskaas uu madaxweyne Ahaan qaadan doono hadba ka sharciga ah.
Faahfaahinta Hadalka Madaxweynaha goor dhaw filo insha allah.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com
