Uncategorized

Madaxweyne Siilaanyo oo Madaxtooyada ku qaabilay Ardayda Dhagoolayaasha ah ee Shan dugsi oo dalka ah {DHAGAYSO}

Hargaysa 15.June (SDN)  Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada kulan balaadhan ugu sameeyey Ardayda Dhagoolayaasha Somaliland oo ka kala socday 5 Dugsi oo ka kala yimid Gobolada Awdal oo Hal Dugsi ah (Boorama), Togdheer oo uu ka socday Hal Dugsi (Burco), Maroodi-jeex (Hargeysa) oo ay ka socdeen laba Dugsi iyo Gabiley oo ay ka socdeen hal Dugsi

kualankan oo ahaa mid qiimihiisa leh kana soo qayb galeen Bulshada qaybeheeda kala duwan waxa Hadalo koob kooban ka jeediyey masuuliyiinta Dugsiyada oo iyagu ah kuwo dhego qaba, halka Dhogoolayaasha iyaga looga Turjumaayey Madaxda kale waxaana xasuus mudan oo aan marnaba la ilaawayn Ardayda dhogoolayaasha oo qaadayey Heesta Calanka Somaliland halka uu ku luuqaynaayey Mid ka mid ah Dhogoolayaashu inta kalena ay u jiibinayeen iyaga oo ku soo gudbinaaya Afka dhogoolayaasha.

Maamulka Dugsiga Dhagoolayaasha ayaa Madaxweynaha warbixin ka siiyay Xaalada Guud ee Dugsigan,Marxaladihii uu Soo maray,iyo duruufaha ay rabaan in Xukuumadu gacan ka gaysato.

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Marwo Zam Zam Cabdi Aadan ayaa Sheegtay in ardayda wax ka barata dugsiga dhagoolayaashu ay Muujiyeen dadaal wax ku ool ah isla markaana ay ka soo dhex baxeen ardaydii kale ee Facooda ahayd.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo oo hadal kooban ka jeediyay Munaasibadaas ayaa Sheegay in Xukuumad ahaan ay balan qaadayaan inay wax ka qabtaan dhamaanba baahiyihii ay Soo Gudbiyeen Maamulada dugsiyada ay wax ka bartaan ardayda dhagoolayaasha.
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/dhagoolayaasha.mp3″]

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com