|

“Shaadhka Xukuumada ha Bixiyaan Hadii Labaatan Wasiir la Tartamayaan Muuse Biixi Gudoomiyaha Kulmiye” C.rashiid Riyo Raac

Hargaysa 31.Dec 2014 (SDN/QJ)- Xoghayaha Qorsheynta ee Xisbiga Mucaaradka ee Waddani Cabirashiid Maxamuud Cali (Riyo Raac), ayaa Xukuumadda  ku eedayey inay keligeed isku koobto wada hadalada Somaliland iyo Somaliya.

C.rashiid Riyo RaacXoghayaha Qorsheynta ee Xisbiga Mucaaradka ee Waddani Cabirashiid Maxamuud Cali (Riyo Raac), oo Wargeyska Geeska Afrika u waramay ayaa sidoo kale ka hadlay loolanka Musharaxnimo ee u dhexeeya Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, Wasiirka Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo Wasiirka Arrimaha Dibada Maxamed Biixi Yoonis, waxaanu sheegay in Muuse Biixi uu xaq u leeyahay inuu isa soo sharaxo, isla markaana uu ku eeg yahay Xisbigiisa,“Wada hadalada Somaliland iyo Somaliya  u dhexeeya, Xukuumadda ayaa isku koobtay, oo la dhuumatay, oo Madaxweynuhu inta uu Afar Wasiir kaxaysto ayuu ka qeyb galaa wada hadalada, balse wada hadaladu waa arin Qaran, mana qurux badna inay Xukuumaddu isku koobto, maxa yeelay Xisbiyada Mucaaradka waxa u codeeyey oo doortay Bulshada reer Somaliland boqolkiiba todobaatan (70%), inay ka qeyb galaan goob joog ka ahaadana wada hadalada waa mid aad muhiim ah, in sidoo kale Golayaasha Wakiilada iyo Guurtiduna inay iyana goob joog ka ahaadana iyana waa mid aad muhiim ah, maxa yeelay waxa laga wada hadlayaa waa masiirkii Umadda”.

Xoghayaha Qorsheynta ee Xisbiga Mucaaradka ee Waddani Cabirashiid Maxamuud Cali (Riyo Raac),ayaa mar uu ka hadlaayey loolanka u dhexeeya Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi iyo Wasiiradda Maaliyadda  iyo Arrimaha Dibada waxa uu yidhi “Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, waa Masuul Xisbi, waa Masuul ka madax banaan Xukuumadda, oo mawqifkiisa iyo hankiisa caddeeyey, laakiin Wasiiradda Maaliyadda  iyo Arrimaha dibada waa wax ceeb ah in iyaga oo xil dawladdeed haya, Xukuumaddana xil ka haya, inay yidhaahdan Madaxweyne ayaanu doonaynaa, Labadan Wasiir haddii ay Muuse Biixi la tartamayaan shaadhka xukuumadda ha bixiyaan, oo bananka ha iskeenaan, markaas ayey Musharaxnimo Madaxweyne hiigsan karaan, laakiin waxa ceeb ah in Hantidii Qaranka uu Wasiirka Maaliyaddu uu kolba kumanaan qof casho ama qado ugu sameeyo”.

Xigasho Wargayska Geeska Africa

Comments are closed