Uncategorized

Marxuun Xildhibaan Axmed Weyne iyo Doorkiisii Hal abuurnimo ee Qarsoonaa {DHAGAYSO}

Hargaysa 15.June (SDN) Ilaahay Naxariistiisa Janno ha Ugu Deeqee Waxaa Maanta lagu aasay Xabaalaha Xeedho Marxuun Xildhibaan Marxuum Axmed Ibraahim Daahir (Axmed Weyne) oo ka tirsanaa golaha wakiilada Somaliland, oo habeenkii xalay ahaa ku geeriyooday magaalada hargaysa.

Marxuunku waxa uu ka mid ahaa halgamayaashii Ururkii SNM, Gees kale hadii laga eego waxa uu ahaa Suugaan dhaadhi aad u yaqaan dhaqanka iyo Noloshada Somalida,inkasta oo aanay ka Muuqan marka ay sheeko idin dhex marto ayaa la garan kara heerka uu ka gaadhsiisnaa Suugaanta waxa uu aad u xiisayn jiray Suugaanta Qaraamiga ah oo uu wax ku darsan jiray .

Xaqiijin kale uma baahnid waxaa kaaga filan Xog warankan kooban oo uu marxuunku bixiyay 2010kii iyo Maansooyin qubane ah oo uu  Marxuunku Curiyay.

Bah’da Qurbejoog.com waxay eebbe uga baryayaan inuu marxuunka naxariistiisii jano ugu deeqo Qoyskii,Qaraabadii iyo Guud ahaaan Umada Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Iimaan ka siiyo.
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/AXMEDWEYNE.mp3″]
Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com