Uncategorized

Qaabkii uu Golaha Wakiiladu ku Meel Mariyay Xeer Hoosaadkooda,Xaraaradii Fadhigii Maanta {DHAGAYSO}

Hargaysa 27.Jan 2014 (SDN)- Fadhigii maanta ee Golaha Wakiilada JSL oo uu shir gudoominayey Gudoomiyaha Golahaasi Md Cabdiraxmaan Maxamed cabdilaahi ayaa ansixiyey xeer hoosaadka golahaasi oo lagu sameeyey wax ka bedel iyo kaabis.

Xildhibaan Ibraahin Mahdi BuubaaGudoomiyaha gudida joogtada ah ee golaha wakiilada Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa ayaa mudanayaasha u akhriyey xeer hoosaadka golaha wakiilada ee lagu sameeyey wax ka bedelka iyo lifaaq ay soo raaciyeen gudida joogtadu, kaasoo ay mudanayaasha kaga codsadeen inay meel mariyaan.

Fadhigaasi maanta oo ay ka soo xaadireen 55 mudane waxaa ansixinta xeerkaasi ogolaaday 42 mudane, waxaa diiday afar mudane waxaana ka aamusay sided mudane, gudoomiyuhuna ma codaynin sidaana waxaa ku ansaxay xeer hoosaadka golaha wakiilada Somaliland oo dhowaan wax ka bedel iyo kaabis lagu sameeyey.

Guji Halkan oo Mobilkaaga ka dhagayso Fadhigii Maanta ee Golaha Wakiilada
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/GolahaWakiiladaXeer.mp3″]
Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com