|

“Sasabasho way jirtey oo dhawr qof waan ka sasabay, dhawr waxna waan ka maslaxay.Laakiin Mar haddii aad odaygaaga ku kalsoon tahay ixtiraam baa meesha jira.”Drs Edna Aadan

Hargeysa:Jully,31,2015(SDN/QJ)-Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Somaliland ee xilligii xukuumaddii Rayaale Marwo Adan Aadan Ismaaciil, ayaa ka Hadashay doorkii talo-bixineed ee ay ku lahayd xukuumaddii uu ra’isal wasaaraha ka ahaa Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo ay ooridiisa ahayd.

adna aadanMarwo Adna oo marti ku ahayd dhawaan Barnaamijka Milicsiga siyaasiga ee TV-ga Universal ka baxa, ayaa sidoo kale ku dheeraatay duruudo qallafsanaa oo ay soo martay xilliyaddii ay waxbarashadeeda ku jirtey, maadaama Dadka soomaalida ah ay ku cusbayd gabadh waxbaranaysaa.

Marwo Adna waxa ay ugu horrayn faahfaahin ka bixisay saamayntii ay ku lahayd xilli ay ahayd Marwada Ra’isal wasaarihii Hore ee Somalia Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, waxana ay ku adkaysatay inaanay gadh-wadeen ka noqon jirin  Go’aamadii Ra’isal wasaaraha,

“Maxamed X. Ibraahim Cigaal waxa uu ahaa qof aad iyo aad u maskax wanaagsan oo siyaasadda maskaxdiisu u furan tahay. Talo marmar wuu I weydiin jirey, laakiin maan Hoggaamin jirine tiisuu wax ku dhaqi jirey.”ayey tidhi Adan Aadan.

Marwo Adna Aadan oo hadalkeeda sii wadata, ayaa sheegtay inay kaliya jireen arrimo kooban ay sasabasho kaga dhaadhicin jirtey xilligii uu Saygeedu hoggaamiyaha ka ahaa qarankii Soomaaliyeed, waxana ay tidhi,“Sasabasho way jirtey oo dhawr qof waan ka sasabay, dhawr waxna waan ka maslaxay. Mar haddii aad odaygaaga ku kalsoon tahay inay tiisu ku filan tahay oo waxyaabo badan oo aan adiga kuu muuqan uu ka warhayo ixtiraam baa meesha jira.”

Mar ay Marwo Adna Aadan Ka Hadlaysay Kaalinta ay marwada Koowaad ee Dalku Saygeeda ugu jirto, ayaa waxa ay tidhi,“Kaalinta ugu weyn ee Marwada koowaad leedahayna waa maslaxaad iyo dad usoo jiidid. Talona waa lagu weydiin karaa oo dad wada deggen baad tihiin.”

Marwo Adna oo haatan dhinaca caawinta Hooyooyinka iyo dhallaanka u digo rogatay, ayaa shaacisay inaanay dib ugu soo laabanaynin siyaasadda, isla-markaana wax wakhti ah u haynin xilligan,

“Anigu siyaasadda kusoo noqon maayo, wakhtina uma hayo, ciddii dalka hoggaaminaysa iyo wixii dalkayga somaliland maslaxad u ah wakhti kasta diyaar baan u ahay, laakiin kaskab siyaasadeed waa maya.” Ayey tidhi Adna Aadan.

Marwo Adna waxa ay ugu dambayn farriin wax ku ool ah udirtay Siyaasiyiinta ku loollamaya hoggaaminta dalka, waxana ay kula talisay inay dadka iyo dalkaba u tudhaan, waxana ay tidhi,     “waxan odhan lahaa isu tanaasul ayaa dalku u baahan yahay, in la isu xoog sheegto iyo in wax maslaxad laga gaadhi kari lahaa in lagu murmo oo dalka wax lagu yeeleeyo dalka ma qabatee siyaasiyiinta waxan leeyahay isu tanaasula oo xal gaadha oo muran kooban dalka haku burburinina.”

 

Xigasho:Wargeyska Hubaal

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed