|

Sh. Ismacil X. Maxamed Cise (Shekhal Balad) oo ugu baaqay golaha deganka Hargeysa inay Bile Rafle taallo ku mamusan ama ugu magac daraan waddo muhim ah

Hargeysa Dec 31,2014(SDN/QJ)- Sheekh Ismaaciil oo kamid ah culumada caanka ah ee Somaliland ayaa baaqan u jeediyay mayarka caasimadda Hargeysa md. C/raxmaan Soltelco oo uu ku tilmaamay maayar talada dhageysta waxqabadna leh.

Sheekhu waxa uu sidan ku sheegay wareysi uu siiyay shabakada somalidiasporanews

isaga oo hadalkiisii sii watana waxa uu yidhi bani’aadamku waxay wax ku qiimeeyaan waxqabad iyo dedaal. Taas oo taariikhda lagu muujiyo qofkii bulshada wax u soo kordhiya. Masuuliyiintii dowladihii hore ee dalkii Somaliya ee dhulkeena soo maray oo faro badnaa waxaa laga majeertaa oo ay dadku taariikh wanaagsan ku ammaanaan md. Bile Rafle oo lagu sifeeyo markhaatina aan ka nahay in aanu qorshe magaalo ka horeyn oo waddooyinka, sariibadaha, biyo mareenada, garoomada iyo goobaha waxbarashada ee iskuuladii laga dhaxley nidaamyadii dalkii hore ee Soomaaliya ay dhammaan ku suntan yihiin Bile Rafle oo aan aniga iyo bulshada reer Somalilandba  abaal iyo amaan aan lasoo koobi karin u hayno.

Sheekh Ismaaciil waxa uu ka codsaday golaha deegaanka caasimadu in aanay kala bakheylin guusha uu masuulkaasi ka hirgaliyay magaaladeena Hargeysa isagoo soo jeediyay in waddo muhiim ah gaar ahaan kuwa agagaarka eeriboodhka laga hirgalinayo loogu magacdaro Bile Rafle. Waxana uu ballan qaaday in uu isagu ugu horeyn doono dadka kharashka waddadaasi ku baxaya ka qeybgali doona.

Geesta kale waxa uu soo hadal qaaday sida ay muhiimka u tahay in Bile lagu casuumo Somaliland lana gudoonsiiyo abaal marin iyo bilad sharafba.

Taas oo buu yidhi muujineysa inaynu nahay ummad waxa fiican qiimaysa oo aan ka bakheylin kana xaasidin xaqa ay leedahay cid kasta oo wax tartay, caawisay si hagaagsanna ugu adeegtay.

Isaga oo hadalkiisii sii watana waxa uu yidhi had iyo goor waxa aan maqalnaa hebel oo waxqabad lagu maamuusay bilad/shahaado sharaf, bal yaa ka mudan Bile Rafle in la abaal mariyo Ilaah baan idinku dhaariyee.

Shekh Ismaaciil ayaa hadalkiisa ku soo gabogabeeyay oo uu yidhi md. Bile Rafle ubadkiisa, qoyskiisa iyo ehelkiisaba abaal baan idiin haynaa oo ay shacbiga Hargeysa idiin hayaan ayaan idin leenahay.

 

Wabillaahi Towfiiq

Comments are closed