|

Nuxurka Khudbadii Gudoomiye Cirro Jeediyey,Ka Dib Soo Dhawayntii Balaadhnayd Ee Uu kala Kulamay Bulsho Waynta Reer Hargaysa.+(Sawiro)

Hargaysa 30.April 2015 (SDN/QJ)- Masuuliyiinta  xisbiga wadani oo ay wahelinayaan taageerayaasha xisbiga iyo qaybo badan oo ka mid ah shacabka ku dhaqan magaalada Hargaysa ayaa si wayn usoo dhaweeyey Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ahna Guddoomiyaha golaha Wakiilada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro)oo maanta dalka dib ugu soo laabtay

 

Soo dhawayntan ayaa ahayd mid laga dheehan karayey mid ay bulshadu kaga jawaabaysay  inaanay ku raacsanayn ficilada madaxtooyada laga soo abaabulayo ee xukuumadu kula kacayso gudoomiye Cirro waxaanay  shacabka magaalada Hargaysa oo ay horkacayaan masuuliyiinta xisbiga Wadani ku waa bariisteen Madaarka magaalada Hargaysa si ay ugu soo dhaweeyaan Guddoomiye Cirro.

 

 

Gudoomiye Cirro ayaa kadib markii uu garoonka diyaaradaha ka soo degay Maadaarka cigaal Abaaro salaadii duhur waxa uu saxaafada kula hadlay Qolka nasashada ee madaarka magaalada Hargaysa isaga oo ka hadlay Ujeedada safarkiisii la siyaasadeeyey ee uu ugu maqnaa dalka turkiga oo uu ku tilmaamay mid uu xaalad caafimaad ugu tagay dalkaasi, waxa kale oo uu ka hadlay marxalada dalku marayo iyo iyo dib udhaca doorashada Somaliland.waxaanu yidhi Gudoomiye Cirro Isaga oo amuurahasi ka hadalay “ waxan halakan ka salamayaa shacbiga reer Somaliland meel kasta oo ay joogaan gude iyo dibad ba waxan aad ugu faraxsanahay aniga oo caafimaad qaba inaan dalkaygii hooyo ku soo noqdo maanta .

Safar baan ubaxay safarkaygaasi waxa uu ahaa safar caafimaada safarkaa caafimaad baan ku soo dhamaystay caafimaadkaygu aad buu ufiican yahay  waxan ku soo sameeyey baadhitaankaasi caafimaad magaalada  Ankara ee dalka Turkiga Intii aan joogay magaaladaasi hal habeen ayaan usii hoyday caasimada oo aan Traaasit ku ahaa, markii uu caafimaadku ii dhamaaday waxan la kulamay wasaarada arimaha dibada agaasimaha guud ee waaxda africa waxan kala kulamay arimaha somaliland gaar ahaan iskaashiga, waxbarashada iyo arimaha kale ee Somaliland khuseeya . intii aan halkaas joogayna waxa hudheelka igu soo booqday gudoomiyaha Ardayda Somaliland iyo arday la socotay .

 

Waxa kale oo ka socday dalka turkiga Munaasibad wayn oo Boqol guure ahayd oo lagu casuumay dunida oo dhan taana kamaan qayb galin kamaan qayb galin magaale kale oo janake ayay ka socotay inka badan Boqol dal ayaa ka soo qayb galay .

 

 

Waxa uu ka yidhi Wararkii Laga Qoray .

 

Somaliland magac iska baxay maaha Somaliland waa talo iyo go,aan shacbi waa Afti qaran waa go,aan Madaxwayne xukuumada iyo Baarlamaan midna waxba ka badali karin waa go,aan anigu aanan waxba ka badali karin Umaday cay ku tahay in la yidhaahdo Somaliland ayaa la iibinayaa waxay ila tahay go,aankaa shacabka cid badali kartaa inaanay jirin aniga shaqsiyan waxan isleeyahay Somaliland lagaaga biqi maayo, waxan isleeyahay hadaanan gaadhsiin ba karin shacbigayga himilada ay doonayaan wakhti iskga maan qaadeen inaan isku soo sharaxo madaxtinimo, shacbigaaga waxad ku hogaamin kartaa himilada ay doonayaan.

 

Xisbiga Waddani Cidoo doontaaba wax haka sheegto waa xisbiga rajada ee Somaliland waxan isleeyahay waa xisbi hankiisu yahay inuu dalka ku hogaamiyo nadab  ictiraaf iyo Horumar ,dadka reer Somaliland way ka ilbaxeen shugux shugux kolba cidi utunto waxad moodaa malaa doorashadii baa soo dhawaatay xawlal mariidka ayey maraysaa malaa qaarba isle malaa waxa lagu kala badinayaa Beenta iyo Borobogaandaha.

 

Mudadii aan maqnaa sidii caadada u ahaan jirta Warqgasyo kooban oo ku xidhan xukuumada iyo wabsite yo iyanuna la mid ah oo ku xidhan xukuumada waxay sidii ay awalba qori jireen qorayeen warar beena wararkaas beentaa waxa ugu danbeeyey waraaq ay yidhaahdeen gudoomiyaha golaha wakiilada waraaq uqoray dalka Finland , waraaqdaas anigu maan qorin Xoghayaha guud baa ka hadlay baarlamaanka ka hadalay Barigii hore beenbaa la qori jiray laakiin hada waxay soo gaadhay in waraaqihii qaranka la been abuuro, waxan isleeyahay mararka qaarkood malaa mid run u eeg baa la sheegaaya ninka warqadaasi qoray Af iniriisiga Qoray malaa buug Wanka muu dhamayn baan is idhi hal san tanis oo sax ahi kuma jiro waxa kale oo la yaab lahayd haduu inigiriisi ba ka dhigay gunaanadka waxa uu ka dhigay afsomali , waxuu ku qoray magacaygii af somali ku qoran gudoomiyaha golaha wakiiladu ku saxeexan yahay allaa mahad leh na wuu ku qoray, taasi waxay marag ka tahay wixii hore ee ay qor qori jireena inaan waxba ka jirin waxay qoreena aanay waxba ka jirin.

 

Mararka qaar kood iyaga oo isleh cabdiraxmaan Cirro wax ka sheega ama qof kale oo masuula oo qaranka jooga waxay been ka sameeyaan dawlado aynu saaxiib nahay  oo aynu jaar nahay dawladaahaas ay had iyo jeer wax ka qoraan ee ay jelaadeen waxa ka mid ah Dawlada  Jabuuti  mar koowaad maaha mar labaad maaha markii sadexaad maaha  ee ay qoraan jabuuti iyo gudoomiyaha golaha wakiilada waxay ku wada hadleen in ay dhul ka mid ah Somaliland ku wareejiyo , lacag malaayiin oo dolar ahna way soo siisay Jabuuti  markaas malaa waxa fiicnaan lahayd cirro ha iska eryadaane dawladaha aanu saaxiibka nahay ee ay ka mid tahay jabuuti  ee uu ka mid yahay dalka turkiga oo ah dal wayn oo ku dhiiraday inuu xafiis dublamaasinimo ka furto Somaliland  halkan buu ka furtay oo ah qunsuliyada ku taala africada Saxaaraha ka Hoosaysa  hadii wax kale la qadarin kari waayo 250 arday baa dhigta baa laygu yidhi turkiga xidhiidhkeenu wuu kobcayaa qolaadaas cirro iska er eryada oo Dawladahaas iska daaya baan idin odhan lahaa,

 

Waxay kale qoreen sida aan akhriyey sheeko kale sheeadaasi kale waxa weeye in dawlada jabuuti  ama wasiirkeeda arimaha dibada iyo dawlada turkiga ay dhex dhexaadinayaan Madaxwaynaha Somaliya iyo in gudoomiyuhu dawlada Turkiga lacag waydiistay  taa hore hadaan ku noqdo  ee Filand laftigeeda finland anigaa daganaan jiray oo dawladaha lacagta bixiya ba maaha Finland Qolada UCID baa kasoo qaadi lahayd bari hore, waxa la dhex dhexaadiyaa dawlado ee shaqsi iyo dawlado lama dhex dhexaadiyo waxan shacbiga reer Somaliland usheegayaa uxaqiijinayaa ucadynayaa dawlado aniga iyo Cid kale na dhex dhexaadiyey inaanay jirin ama jabuuti ha noqoto ama jabuuti ha noqoto oo naysu kaaya keenay inaanay jirin lacag aan cid waydiistayna inaanay jirin ee aan utagay halkaas caafimaad ayaan shacbigayga xisbigayga iyo dadkaygba ucadaynayaa”

 

Gudoomiye Cirro waxa uu khudbadiisii kaga hadlay arimaha Doorashooyinka iyo Mawqifka ay ka taagan yihiin dib udhacooda asxaabta mucaaradka iyo Beesha caalamkuba  waxaanu yidhi “waxan jecelahay inaan umahad naqo beesha caalamka , beesha caalamku waxad moodaa inay aad udanaynayso Somaliland way inagu soo noq noqtay waxay inagula talisay inaynu doorashooyinka qabano 2015 ka waxay yidhaahdeen waxa ku jira magaciina waxa ku jira kalsoonida dunidu idin siisay, hase yeeshee waxa lagu kala tagay markii ugu danbaysay  in wixii komishanku uu gooyo la sugo , waxan isleeyahay komishankii wuu ku dhawaaqay xiligii ay qabanayeen diiwaan galinta iyo wakhtigii doorashada ba, besha caalamku inkasta oo ay inagula talisay oo ay jeclayd inaynu qabano doorashada 2015 ka waxay hadana  taageertay go,aankaa ka soo baxay komishanka ee ay asxaabtu na ay aqbashay ayey iyaguna inagu taageereen waxad ka war qabtaan in 70%  diiwaan galinta iyo doorashadaba  ama 75% bixinayaan kharashka waxan qabaa in aynu taladooda ay danteenu ku jirto inaynu raacno , waxan qabaa inay inaga mudan yihiin inaynu umahad naqno.

 

Komishanka Doorashooyinka.

 

Gudiga doorashooyinka qaranku Mudo yar bay jireen marka la eego hawshooda waxay qabteen hawl badan waxay sameeyeen dadaal badan waxay gooyeen wakhtigii  la qaban lahaa diwaan galinta waxay gooyeen wakhtiga uu soo bixi lahaa liiska kama danbaysta ah  waxan isleeyahay wadda tashi badan bay siiyeen asxaabta wadda tashi badan ayey siiyeen xukuumada intaanay soo saarin soo jeedinta waajibkoodii si wanaagsan bay uguteen waxaanay iyaguna inaga mudan yihiin inaynu shacbi ahaan iyo asxaab ahaanba umahad naqno.

 

Golaha Guurtida

Golaha Guurtida golaha guurtidu waa astaan qaran waxay ku suntan yihiin inay Somaliland khilaafka ubadalan khilaaf la,aan waxay ku suntan yihiin  inay colaada nabad ubadalaan , waxad ka war qabtaan doorashadii 2010 dhacday  in laba 2009 ku heshiin kari waayeen asxaabta qaranka iyo xukuumadu in maalin doorashada lagu darro, waxad  ka warqabtaan in taariikhda markii ugu horaysay dawlado aynu saaxiib nahay ina dhex galaan, oo ahaa Itoobiya iyo dalka Ingiriiska oo inala gooyaan wahtiga doorashadu dhacayso nasiib wanaag sanadkan Komishanka ayaa inoo jaray asxaabta ayey la tashadeen xukuumada ayey wargaliyeen, beesha caalamku way ku raacday , waxay ila tahay shaqadii ay guurtidu qaran lahayd way ufududeeyeen filimaayo in golaha guurtidu heshiiskaa dhex maray asxaabta iyo komishanka iyi xukuumada ee beesha caalamkuna ku raacday inay badalayaan khilaaf in la abuuro waxan usoo jeedinayaa inay ku dhaqmaan oo ictiraafaan heshiiskaa qaran ee ay gaadheen saxaabta xukuumada iyo komishankuba, waxan ilaahay uga rajaynayaa inay sidaa yeeli doonaan oo magacooda kor uqaadi doonaan dalkana aanay khilaaf ukeeni doonin .

Xisbi ahaan iyo mucaarad ahaanba waxan naga go,aana wakhtigaa komishanku gooyey wakhti aan ahayn innan aqbalin “

??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? IMG_4214 ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ???????????????????????????????

Comments are closed