Uncategorized

Wafti Wasiiro iyo Xildhibaano iskugu jira ayaa Maanta tagay degmada Xudur ee gobolka Bakool

Bakool , 17, march 2014 (SDN) — Wafdi wasiirro iyo xildhibaanno isugu jira, ayaa maanta  safarkoodii ugu horeeyay tan iyo markii halkaa lagala wareegay Xoogaga al Shabaab,ku tagay degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool oo ka mid ah degmooyinkii ay dhawaan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM kala wareegeen Kooxdaasi.

Xubnaha wafdigan ayaa sida wararku sheegayaan waxay ka koobnaayeen: wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka, C/llaahi Goodax Barre, wasiirka gaashaandhigga, Maxamed Sh. Xasan Xaamud iyo xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Somalia oo  dhalasho ahaan goboolkaas ka soo jeeda.

Guddoomiyaha degmada Xudur Maxamed Macallin, ayaa  u sheegay warfidiyeenka  in wafdigan ay ku yimaadeen Xudur kormeer, balse aysan jirin wax gargaar ah oo ay wadaan, isagoo intaas ku daray in socdaalkani uu ka mid yahay kormeerro lagu sameynayo goobihii Al-shabaab laga lagala wareegay.

Waxaana hadaladii gudoomiyaha Degmadda Xudur ka mid ahaa:

“Wafdigan socdaalkoodu waa mid kormeer ah, balse ma jirto wax gargaar ah oo ay u wadaan dadka deegaanka, waxaana filaynaa in kormeerkooda kadib wixii loogu talo-galay shacabka degmada la keeni doono”.

Si kastaba ha ahaatee waxa wararka ka  imanaya Goobihii lagala wareegay Kooxda  Al-Shabaab ee ka dagaalnta Badhtamaha iyo Koonfurta Somalia,ayaa la sheegayaa in dadkii ka barakacay Deegaanadoodii ay haystaan Duruufo Bini’aadamnimo.

Bakool,SDN.

Contact@somalidiasporanews.com