|

Siyaasiga Cabdiqaadir Jirde Aw Cali Oo London Ka Sheegay Inuu Ku Biirayo Xisbiga Waddani Iyo Qabanqaabadda Munaasabadda Hargeysa

London 31.Dec 2014 (SDN/QJ)- Gudoomiye ku xigeenkii golihii hore ee Wakiiladda,isla markaana imika ah Xildhibaan ka tirsan Golaha Wakiiladda Cabdiqaadir Jirde Aw-cali, ayaa sheegay inuu ku biirayo Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani.
jirdeXildhibaan Cabdiqaadir Jirde, oo Ururkii Xaqsoor oo uu ka tirsanaan jiray kadib aan mawqifkiisa caddayn ayaa Kulan ka dhacay Magaalada London ee Carriga Ingiriiska ka sheegay inay isla garteen isaga iyo Taageerayaashiisu inay cuddudooda ku biiriyaan Waddani.
Munaasibada Lagu qabtay London oo ay soo agaasimeen Jaaliyad ka soo jeeda Gobollada Hawd (Baligubadle)iyo Maroodijeex, ayaa la sheegay in Xildhibaanku kaga dhawaaqay qorshahaa.
Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde ayaa sheegay in Munaasibada ku biiristiisa Waddani ay isla garteen inay ka dhacdo Dalka “Waxaan ka mahadcelinayaa Xafladdan iyo Kulankan Jaaliyaddan Reer London ee Reer Baligubadle iyo Maroodijeex ay igu soo marti qaadeen.aad iyo aad baan ugu faraxsanahay in la is-waraysto oo la is-arko, oo kolba waxa jira la is-waydiiyo, waxna meel la isla dhigo, Illaahayna waxaan ka rajaynayaa in Shirkaasi guul noogu dhamaaday, Natiijadiisuna ay dhawaan ka soo muuqan doonto, oo wax lagu farxo aanu dalkii la tagno oo hawlaha inta dhiman aanu halkaas ku dhamayno” ayuu yidhi XIldhibaan Cabdiqaadir Jirde.
Xubno u hadlay Jaaliyadda Xafladda qabanqaabisay ayaa sheegay inay si farxad iyo is-fahan leh ugu dhamaatay Munaasibadii islamarkaana ay rajaynayaan in Munaasibad Balaadhan oo XIldhibaanka iyo taageerayaashiisa Hargeysa loogu qabandoonaana ku dhamaanto guul .
“Xafladdii dibaddu way soo dhamaatay, waa in Bulshadu tii gudaha u diyaar garoobaan oo sidan iyo si ka sii saraysa loo soo agaasimo, waa wakhtigii loogu tala galay in Xisbiga Waddani noqdo, Xisbiga Ugu qiimaha badan leh ee intii ka dhinnaydna aad arkaysaan in Siyaasiyiintii ugu waaweynaa ee qiimaha ku lahaa dalka iyo dibada ay maanta muujiyeen inay kartidoodii iyo aqoontoodiiba ku biirinayaan Waddani” ayaa ka mid ahaa.

London SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed