Hawada Ex-Somalia waa dhaxal la wada leeyahay, Somaliya iyo Somaliland waa inay si cadaalad ah u qaybsadaan Maamulkeeda iyo Masuuliyadeedaba
Ramadaan Kariim. Muddooyinkii ugu dambeeyey, waxa warbaahinta ku soo noq-noqonayey warar ku saabsan maamulka hawada sare ee dalkii Somalia la isku odhan jirey, oo dawlada Somaliya ee fadhigeedu yahay Muqdisho ay dedaal weyn ugu jirto sidii ay ugala soo wareegti lahayd CACAS, ICAO iyo United Nationka, oo maamulayey tan iyo 1991kii. Dhinaca kalena, waxa arintaa…
