Qarax is Miidaamin ah oo ka Dhacay Afaafka hore ee Madaxtooyadda Villa Somalia Iyo Nicholas Kay oo Ka Badbaaday

    Muqdisho 21.Sep 2015 (SDN/QJ)- Qarax Ismiidaamin ah oo loo Adeegsaday Gaari laga soo buuxiyay Waxyaabaha Qarxa ayaa Goor-dhow ka dhacay Albaabka laga galo Xarunta Madaxtooyada Somalia, kaasoo dhaliyay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah. Wararka ayaa sheegaya in Qaraxaan uu ahaa mid Xooggan oo Bur-bur ballaaran Geystay, iyadoo Qaraxan lagu soo beegay xilli Muqdisho lagu soo…

    Read More

      “Madaxweynaha Somalia Waxaan Leeyahay Waad Riyoonaysaa ee Riyada ka Bax oo Runta u Guur” Wasiirka Warfaafinta Somaliland DAAWO

      Hargaysa 21.Sep 2015 (SDN/QJ)- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka Iyo Wacyigelinta Mudane C.laahi Maxamed Daahir Cukuse oo Shir Jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa ayaa jawaab adag ka bixiyay hadalo ka soo yeedhay Madaxweynaha dalka Somalia Xasan Sheekh Maxamud oo Sheegay in Shirkii Muqdisho ka Dhacay ee ay ka Qayb galeen Maamul Goboleedyada Somalia uu Khuseeyo Somaliland.

      Read More

        “Maxkamadaheenu Saylad loo shaqo tago oo dilaaliintu yimaadaan bay noqdeen, dillaaliintaas oo dhan waa la xidhayaa” Gudoomiyaha Maxkamada Sare DAAWO

        Hargeysa, 21 Sep 2015 (SDN/QJ)- Gudoomiyaha Maxkamada sare ee somaliland Aadan Xaaji Cali  ayaa ka hadlay qorshayaal ay doonayaan inay dib ugu hagaajiyaan garsoorka dalka, isla markaana ay meesha kaga saarayaan qalooca iyo wax kasta oo wax u dhimaya xaqsoorka guud iyo hawsha ay u hayaan umadda. Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Somaliland oo shalay ka…

        Read More

          Suldaanka Guud ee Beelaha Warsangeli oo Hargaysa lagu soo dhaweeyay Iyo Ujeedada Safarkiisa DAAWO

          Hargaysa 21.Sep 2015 (SDN/QJ)- Suldaan Siciid Suldaan C.salaan Suldaan Cali Shire iyo Wefti uu hogaaminayo ayaa Maanta si diiran loogu soo dhaweeyay Duleedka bari ee Caasimada Hargaysa. Imaatinka Suldaan Siciid Suldaan C.salaan oo Maalmihii u danbeeyay la Sugayay ayaa Wararku Sheegayaan inuu la Xidhiidho Sidii uu Madaxweyne Siilaanyo ugu qancin lahaa inaanu Xilka ka qaadin Wasiirka…

          Read More

            Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada oo ka qeybgalay Munaasabad lagu xusayay maalinta Nabadda Adduunka

            Muqdisho, September 21, 2015(SDN/QJ)- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmarke iyo wakiilka Q/midoobay u qaabilsan Soomaaliya Amb. Nicholas Kay ayaa maanta ka qeybgalay munaasabad lagu xusayay maalinta nabadda adduunka, taasoo sanadkaan halku dhegeedu ahaa “Aan ku midowno Nabadda”. Munaasabadan ayaa waxaa sidoo kale ka soo qeybgalay madaxda maamul goboleedyada dalka, gaar ahaana madaxweynaha…

            Read More

              Prof Samatar oo Dr. Bulxana hor dhigay hal xidhaale Jawaabtiisa looga fadhiyo,kana hadlay Xisbiga uu ku biiro doono DAAWO

              Hargaysa 21.Sep 2015 (SDN/QJ)- Prof Axmed Ismaaciil Samatar ayaa Markii kowaad Jawaab ka bixiyay dhaliil uu u soo Jeediyay Prof Bulxan oo sheegay in Axmed Ismaaciil Samatar aanu Wax hiil ah u samayn Shacabka Somaliland oo uu Qadiyadooda Mudo Badan  Madaxa kaga taagnaa. Prof Samatar ayaa Sidoo kale Jawaab ka bixiyey Waxyaabaha ka run ah…

              Read More

                “Itoobiya Iyo Somaliland Meel Ayay Ka Wada Taagan Yihiin Wabar Oo Marba Dhagax Ku Dhuumanaya Sidii Argagixisadda”

                Hargaysa 21.Sep 2015 (SDN/QJ)- Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Itoobiya Danjirre  Maxamuud Aadan Jaamac (Galaal), ayaa sheegay in dawladaha Somaliland iyo Itoobiya ay ka wada hadleen  sidii loo adkayn lahaa is-kaashiga labada dal ee dhinaca nabadgelyada. Gaar  ahaana  sidii  tallaabo adag looga qaadi lahaa  suldaan Abuubakar Cilmi Wabarka oo ka   falaagoobay Somaliland, isla markaana   ku dhuumaalaysta …

                Read More

                  Madaxweyne Siilaanyo oo Isku Shaandhayn Kooban Ku Sameeyay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Dawlada

                  Hargaysa 21.Sep 2015 (SDN/QJ)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-3606/092015 isku bedel iyo magacaabid uu ku sameeyey qaar ka mida Agaasimeyaasha guud ee wasaaraddaha Jamhuuriyada Somaliland.   madaxweynuhu:-   Markuu Arkay:                          Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (kh) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markuu Tixgeliyey:                   Ahmiyadda ay Agaasimayaasha Guud ee…

                  Read More

                    Madaxweynaha Somalia Oo Goor Dhaweyd Dalka Imaaraadka ugu Baqoolay Aaska Xubin Boqortooyada Katirsan Oo Dhawaan Geeriyootay

                    Muqdisho:Sep,21,2015(SDN/QJ)-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa goor dhow u ambabaxay dalka isu taga Imaaraadka Carabta, halkaasoo uu kaga qeyb galayo aaska Sheekh Rashid bin Mohammed bin Rashid Al Maktoumwiil oo ah wiil uu dhalay Amiirka maamula Dubai isla markaana ah Madaxweyne ku xigeen iyo waliba Ra’iisul Wasaaraha Imaaraadka Carabta. Shirka wada tashiga ayaan u hakan safarka…

                    Read More

                      Maamulka Puntland Oo War-saxaafadeed Ku Faahfaahiyey Mawqifkooda Shirka Muqdisho Ka Furmay Ku Saabsan

                      Garowe:Sep,21,2015(SDN/QJ)-Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, ayaa goor dhaweyd war-saxaafadeed dhawr qoddob ah kasoo saaray Mawqifka Maamulkaas ee la xidhiiidha ka qaybgalka shirka Muqdisho ka furmay oo ay ka  biyo diidsan yihiin. War-saxaafadeedkaas, ayaa waxa lagu sheegay in maamulkaasi gebi ahaanba shirkaas iskaga baxay, isla-markaana, kadib markii ay saluug badan tirsadeen.   Halkaan ka Akhri War-saxaafadeedka. Dawladda…

                      Read More

                        Akhri Magacyada Saraakiil Ururka ONLF Katirsanayd Oo Ay Kooxda Al-shabaab Gawraceen

                        Nairobi:Sep,21,2015(SDN/QJ)-Sida lagu caddeeyey War-saxaafadeed kasoo baxay Ururka ONLF oo u dagaallama Xorriyada Gobolladda Ogadenia ee Gudaha Ethiopia, waxa Kooxda Al-shabaab, ay Gawraceen Saraakiil Ururkaas katirsan oo muddo la la’aa. ONLF waxay sheegtay in Mudo Bilooyin ah ay raadinaysay Xubno sare oo kamid ah Ururkaasi oo Al shabaab ka afduubay, kuwaasi oo ugu danbeyntii Sirdoonka Ururkaasi…

                        Read More

                          Dawladda Rwanda Oo Alaabadda u Xidhay Jaamacadda Mount Kenya Oo Farac Ku Leh Somaliland

                          Hargaysa 21.Sep 2015 (SDN/QJ)- Komishanka Taclliinta Sare ee dalka Ruwanda, ayaa albaabada u xidhay Jaamacadda la yidhaa Mount Kenya University bishii August, 2015, waxayna Komishanku ku eedeeyeen Jaamacaddaasi, inay tahay mid Koorsooyinkeeda Waxbarasho ka hooseeyaan heerkii looga baahnaa waxbarashada Taclliinta Sare. Waxyaabaha kale ee ay ku eedeeyeen Komishanku Jaamacadda Mount Kenya, in inkastoo ay Jaamacaddu ku…

                          Read More

                            Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja oo Walaac adag ka Muujiyey Warbaahinta oo loo adeegsaday Qabyaalad

                            Hargaysa 21.Sep 2015 (SDN/QJ)-Ururka SOLJA markii uu arkay, dersayna qoddobka 32aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland oo si cad u kafaala qaadaya xoriyatul-qawlka iyo qoraalka. Markii uu arkay, muhiimadda horumarinta iyo kobcinta madax-banaanida Saxaafadda in ay qayb ka qaadatay nidaamka dimuquraadiyadda, sinnaanta, cadaaladda iyo ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta Somaliland. Markii uu darsay, Xeerka Saxaafadda Xeer No. 27/2004,…

                            Read More

                              Greece oo sanadkan doorashadii sexdexaad ay ka dhacday iyo cida ku guuleysatay

                              Athens Sept 21,2015(SDN/QJ)-Dalka Greece ayaa la shaaciyay natiijada doorashooyinkii sedexaad ee isla sanadkan dalkaa ka dhacda. Greece ayaa waxa sanadihii u danbeeyay hareeyay qalalaase dhaqaale oo dalkaa ganacsigiisa iyo madax banaanidiisaba jilbaha u dhigtay. Greece ayaa Midawga Yurub tiroba dhaw jeer ka dalbatay gacan qabad dhaqaale si dalkaasi aanu u musalifin. Reer Yurub ayaa dawlada Greece…

                              Read More

                                DAAWO Warsaxafadeed Hogaanka Xisbiga Waddani UK oo Cambaareeyey xadhiga SULDAANKA SABEYSE

                                London Sept 21,2015(SDN/QJ)-Hogaanka xisbiga Wadani ee dalka UK ayaa warsaxafadeed ay soo saareen waxa ay ku canbaareeyeen falkii dawlada Somaliland ay xabsiga ku dhigtay Suldaan Mawliid Sabeyse. Masuuliyiinta Wadani ee UK ayaa dalbaday in suldaan Mawliid Sabeyse si deg dega xoriyadiisii iyo xasanadiisaba dib loogu celiyo. Halkan Hoose ka daawo warsaxaafadeedka Masuuliyiinta xisbiga Wadani ee UK.

                                Read More

                                  Shirkii Dawlad Goboleedyadu Muqdisho ku Lahaayeen oo Qarka u Saaran inuu Burburo,Punt land oo ka Baxday,Iyo Jubaland oo Xamaanta Uruursatay

                                  Muqdisho, 20 Sep 2015 (SDN/QJ)-Warar hada soo gaadhaya Qurbejoog.com ayaa sheegaya in madaxwaynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud uu diiday inuu mamulka Jubbaland ee Axmed Madoobe u aqoonsado mamul ka baxay KMG, taas badalkeeda wuxuu ku xiray in Axmed Madoobe aqoonsado mamulka Galmudug ee Cabdikariin Xuseen Guuleed. Madaxwaynaha Jubbaland Axmed Maxmaed Islaan Madoobe ayaa…

                                  Read More

                                    Sannad Guuradii 10-aad ee Aasaaska Mac-hadka Tababarka Shaqaalaha Dawlada iyo Qaabkii loo Xusay DAAWO

                                    Hargaysa 20.Sep 2015 (SDN/QJ)-  Madaxweyne ku xigeenka Jsl Mudane C.raxmaan C.laahi Ismaaciil (Saylici)  oo ay weheliyaan mas’uuliyiin ka tirsan xukuumada iyo gudoomiyaha mac-hadka tababarka dalka Itoobiya ayaa Maanta ka qayb galay munaasibad lagu  xusayey  sanad guuradii tobnaad ee ka soo wareegtay Aasaaska  mac’hadka shaqaalaha ee dawlada Somaliland.

                                    Read More