Xukuumadda Oo Wasiir Aan Saamayn Badan Lahayn u Wakiillatay Ka Fal-celinta Dhacdadii Wakiillada Ka Dhacday

    Hargaysa:Sep,13,2015(SDN/QJ)-Xukuumadda Somaliland, ayaa ka jawaab celintii falkii shalay Labada masuul ee ugu sarraysa Golaha Wakiilladu isku faro saareen u wakiillatay wasiirka Xidhiidhka Golayaasha iyo Technology-yadda Cali Xaamud Jibriil oo ah xubin aan weedhiisu meel sare gaadhsiisnayn. Wasiir Cali Xaamud, ayaa markale ku celiyey inay xukuumaddu xaq u leedahay  iibinta Haamaha Keydka Berbera, isagoo intaas ku…

    Read More

      “Baashow Khaladkaas Gashay Cirro Eed Ka Saari Maynee Khaladkaas gashay Ka Noqo Oo Umadda Raalligeli”Cabdilaahi Jawaan

      Hargeysa:Sep,13,2015(SDN/QJ)-Siyaasi Cabdillaahi Cabdi Xaaji Cumar (Cabdillahi Jawaan) ayaa si mug leh uga hadlay wixii shalay ka dhacay golaha wakiiladda, isla markaana wuxuu baaqyo kala duwan u diray, madaxweynaha, gudoomiyaha wakiiladda, gudoomiye xigeenka koowaad ee isla golahaa iyo shacabka guud ahaan. War murtiyeedka uu Cabdillaahi Jawaan  kaga garnaqay wixii dhacayna wuxuu u dhignaa sidan;  “Waxay dantu…

      Read More

        “Baashow seeddi in badan baanu ku ixtiraamnay ragga ugu quruxda badan ee xaydhastay baad ku jirtaa, raggii usoo halgamayna waa kuwaas meehanaaba…”Suld. Sabbayso

        Hargeysa:Sep,13,2015(SDN/QJ)-Suldaan Mawliid Sabayse oo kamid ah Madax-dhaqameedka Somaliland, ayaa si adag uga Hadlay isku dhicii maalintii shalay Xarunta Wakiillada ku dhex maray Guddoomiyaha Golahaas Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(cirro) iyo ku-xigeenkiisa Baashe Maxamed Faarax, waxana uu eedda Dhacdadaas dusha ka saaray Baashe Maxamed Faarax. Suldaaan Sabayso oo u warramayey Telefishanka Star Tv, ayaa si kulul Guddoomiye-ku-xigeenka…

        Read More

          Akhri Magacyada Magacyada 38-Mudane Oo Golaha Horkeenay Mooshinkii Dagaalka ka Dhex Riday Guddoomiye Cirro iyo Ku-xigeenkiisa

          Hargeysa:Sep,13,2015(SDN/QJ)-Murankii dagaalka gaadhay ee shalay dhex maray Guddoomiyaha Golahaas Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(cirro) iyo ku-xigeenka koowaad Baashe Maxamed Faarax, ahaa mid ka dhashay mooshin ay keeneen Mudanayaal Golahaasi katirsan oo la xidhiidhay sidii Mudanayaashu uga arrinsan lahaayeen Warqaddii dhawaan Madaxweynaha lagu celiyey ee la xidhiidhay wareejinta Haamaha shidaalka Berbera. Mudanayasahan  oo magacyadooda uu helay wargeyska…

          Read More

            Golaha Wakiillada Oo Fasax Toban Cisho ah Galay iyo Dhexdhexaadin Uu Guddoomiyaha Guurtidu Wado Oo Lagu Hawllan Yahay

            Hargeysa:Sep,13,2015(SDN/QJ)-Golaha Wakiillada Somaliland oo shalay Buuq badani ka dhashay, ayaa maanta jawi kale ku waabariistay, waxana fasax muddo toban cisho la geliyey Golaha, iyadoo uu shirguddoominayey Guddoomiye-ku-xigeenka Labaad ee golahaas Cali Yuusuf. Guddoomiye Cali Yuusuf, ayaa golaha ku wargeliyey in la horkeenay soo jeedin ay soo saxeexeen 13-Xildhibaan oo saddexda Xisbi ee dalka ka jira,kuwaas…

            Read More

              “Wadada Uu Muuse Biixi Xisbiga U Jeexay Waxay Horseedi Doonta Guuldarro..” Gudoomiyihii Hore ee Xisbiga Kulmiye G.Togdheer

              Berbera 13.Sep 2015 (SDN/QJ)- Guddomiyihii hore ee xisbiga Kulmiye ee Gobolka Togdheer Sahal Aadan Maxamed ee dhawaan uu xilka ka xayuubiyay Guddomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa markale ku celiyay inuu sharci daro ahaa Xilkaqaadistii lagu sameeyay sido kalna waxa uu Gudomiye Muuse biixi ku tilmaamay mid hareer maray dastuurkii Xisbiga waxanu sheegay Sahal…

              Read More

                Maxsuulka ka soo baxay Kulanka Dhexmaray Wasiirradda Arrimaha Guddaha Somaliland Iyo Itoobiya

                Addis Ababa 13.Sep 2015 (SDN/QJ)- Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancadde, ayaa magaalada Addis ababa kulan kula yeeshay dhigiisa Ethiopia Shiferaw Teklemariam, iyagoo wada jir u lafo guray iskaashiga arrimaha ammaanka ee labada dal. Kulanka oo dhacay 10-kii bishan ayaa dhexmaray Wasiir Warancadde iyo wasiirka daakhiliga dawladda Federalka ah ee Ethiopia oo ay weheliyaan saraakiil…

                Read More

                  DHAGAYSO: Falanqayn Ku Saabsan Tayada Waxbarshada Dugsiyada Dowladda Iyo Kuwa Gaarka Loo Leeyahay Ee Somaliland

                  Hargeysa Sept 13,2015(SDN/QJ)-Dhagaystayaal waxaanu Halkan Idiinku Soo Gudbinayaa Barnaamij aanu ku falanqayn doono Tayada waxbarshada dugsiyada Somaliland, waxaana barnaamijkan magaalada Hargeysa innoogu soo diyaariyay wariyahayaga Magaalada Hargeysa Khaalid Foodhaadhi HALKAN HOOSE KA DHEGEYSO BARNAAMIJKA WAXBARASHADA [peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/waxbarasho1.MP3″] HALKAN HOOSE GUJJI SI AAD MOBILKA UGU DHEGEYSATO BARNAAMIJKA WAXBARASHADA SDN/QJ-Hargeysa contact@qurbejoog.com

                  Read More

                    Maxkamada Degmada Oo Xukun Xadhig ah,Iyo Ganaaxyo kale Ku Riday Haweenay Diinta Sifo Qaldan U Faafisay Una Turjuntay Shareecada Islaamka DAAWO

                    Hargaysa 12.Aug 2015 (SDN/QJ)- Maxkamadda Degmada Hargaysa ayaa Maanta Xukun Xadhig ah ku riday haweenay Lagu Magacaabo Sacdiya Sheekh Yuusuf Wardheere taas oo ku eedaysnayd inay Qaab Khaldan u faafisay Diinta Islaamka isla markaana ay Maxkamadu cadaysay in haweenaydani ay Qiratay Qaybo ka Mid ah eedaymaha lagu soo oogay. Fadhigan Maxkamada oo uu Hagayay Gudoomiyaha…

                    Read More

                      “Hantidda Ummadda Waa La Badbaadinayaa, Cirro-na Maanta Inuu Madaxweyne U Qalmo Ayuu Muujiyay” Xildhibaan Axmed Yaasiin

                      Hargaysa 12.Aug 2015 (SDN/QJ)-   Xildhibaan Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle oo ka mid ah muaneyaasha Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golahaasi ku eedeyay inuu sharciyada iyo xeerhoosaadka ku tuntay, waxaanu sheegay inay aanay aqbali doonin boon uu tilmaamay inay Xukuumaddu ku hayso hantidda ka dhaxay shacbiga Somaliland.   Xildhibaan Axmed Yaasiin…

                      Read More

                        “Mooshinka Ninka Keenay Waa Aniga, Guddoomiyuhu Wuxuu Xaq U Lahaa In Sharciga La Mariyo Oo Loo Codeeyo” Xildhibaan Bukhaari

                        Hargaysa 12.Aug 2015 (SDN/QJ)-   Xildhibaan Saleebaan Cawad Cali (Bukhaari) oo ka mid ah mudaneyaasha muxaafidka ah ee xisbiga tallada haya ee KULMIYE, islamarkaana hormoodka ka ahaa mooshinka ay ku doonayeen in dib looga noqdo go’aankii hore loogu laalay wareejinta haamaha kaydka shidaalka Berbera, ayaa sheegay in Guddoomiye Cirro xaq u leeyahay in mooshinkan ay maanta…

                        Read More

                          Guddoomiye C.raxmaan Cirro Oo Ku Xigeenkiisa Baashe Maxamed Faarax Ku Eedeyay Xadgudub Sharci

                          Hargaysa 12.Aug 2015 (SDN/QJ)- Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo gacan ka hadalkii maanta dhex-maray isaga iyo Guddoomiye ku xigeenkiisa kowaad Baashe Maxamed Faarax warbaahinta la hadlay, waxa uu Baashe Maxamed Faarax ku eedeeyay inuu ku kacay shacrijebin, islamarkaana uu ku gefay xeer-hoosaadka u yaala Golaha Wakiillada. “Shacbiga Somaliland iyo golaha wakiilladaba…

                          Read More

                            Dr’s Edna Aaden Oo Lagu Daray Liiska Dadka U Sharraxan Abaal Marin Caalami Ah Oo Uu Baarlamanka Yurub Bixiyo

                            Hargaysa 12.Aug 2015 (SDN/QJ)- Marwo Edna Aaden Ismaaciil oo hore u ahayd wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, isla markaana ah shakhsiyad caalamiya oo u dhinaca caafimaadka haweenka iyo daryeelkooda lagu yaqaan ayaa lagu daray liiska dadka sannadkan 2015ka u sharraxan abaal-marinta Xoriyadda Fikirka ee uu Baarlamanka Midowga Yurub bixiyo sannad kasta. Abaalmarintan la aas-aasay sannadkii 1988kii…

                            Read More

                              “Isagaa Bilaabay Gacan Ka Hadalka Guddoomiyuhu, Golahana Dhex Uma Aha” Baashe Maxamed Faarax

                              Hargaysa 12.Aug 2015 (SDN/QJ)- Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada Somaliland Mudane Baashe Maxamed Faarax oo warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa, ayaa Guddoomiyaha golahaasi Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ku eedeeyay inuu ku horeeyay gacan ka hadalkii labadooda maanta ku dhexmaray fadhigii Golaha Wakiilada. “Isagaa bilaabay gacan ka hadalka Guddoomiyuhu, isagaana ku horeeyay gacanta, haddii uu…

                              Read More

                                Halkan Ka DAAWO Siduu u u dhacay Dagaalkii Dhex Maray Gudoomiye Cirro iyo Ku Xigeenkiisa Baashe, Dareenkii Mudanayaasha “Shinbirayahow Heesa”

                                Hargaysa 12.Aug 2015 (SDN/QJ)- Fadhigii maanta ee Golaha Wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir gudoominayey gudoomiyaha golahaasi Md Cabdiraxmaan Maxamed cabdilaahi (Cirro) ayaa waxa ka dhacay gacan qaad dhexmaray xubnaha shir guddoonka. Gacan qaadkan ayaa ka dhashay Mooshin Xukuumaddu dabada ka riixayso oo ku saabsan Burinta Go’aankii Golaha Wakiiladdu ku Laaleen Wareejinta Haamaha Kaydka Shiidaalka…

                                Read More

                                  War Degdeg ah:Guddoomiye Cirro Iyo Ku-xigeenkiisa Oo Dagaal Aan Waxba la Isula Hadhin Saaka Ku Dhooqeeyey Mooshin ay Tunka ku Siteen Mudanayaasha Muxaafidka ahi

                                  Hargeysa:Sep,12,2015(SDN/QJ)-Fadhigii Maanta ee Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa ku dhammaaday Buuq iyo dagaal xooggan oo dhex maray Guddoomiyaha Golahaas Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro iyo Ku-xigeenkiisa Baashe Maxamed Faarax, kuwaas oo isgaadhsiiyey Dhaawacyo Fud-fudud. Fadhiga ayaa markii uu furmay waxa Guddoomiyaha la hordhigay Mooshin ay saxeexeen Xubno badan oo golahaasi kamid ah, waxase Guddoomiyuhu markii uu Yeedhiyey…

                                  Read More

                                    Dhimashada Masjidka Xaramka oo Korodhay Iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Somalia oo Tacsi u diray Ummadda Muslimiinta dhimashada

                                    Muqdisho, September 12, 2015 (SDN/QJ)-  Ugu yaraan 107 qof ayaa ku dhimatay in ka badan 230 kalana waa ay dhaawacmeen, kaddib markii uu dumay wiish qaada qalabka dhismaha oo ka dhex shaqeynayay masjidka Xaramka ee ku yaalla magaalada barakaysan ee Makah Al-Mukaramah ee waddanka Sucuudiga. Wiish aad u weyn oo gaduud ah ayaa waxa uu…

                                    Read More

                                      “Weligay wax Kulmiye ka liita oo ka boob badan maan arag…”Jamaal Cali Xuseen oo Ka Hadlay Dagaalka Golaha Wakiilada

                                      Hargeysa,12sep,2015(QJ/SDN)-Musharaxa xisbiga Ucid Jamaal CalI Xuseen oo ka hadlay dagaalkii gacanka hadalka ahaa ee golaha ku dhex maray gudoomiyaha iyo ku xigeenkiisa waxa uu si kooban barta bulshada ee Facbook ugu soo qoray sidan “Sidani Dawladnimo maahee waa Budhcadnimo; maanta Ninka Dagaalka ka dhex bilaabay Golaha Wakiiladda Ee Cirro ku Qaad qaaday waa Baashe, hadduu…

                                      Read More

                                        Shir Gudoonka iyo Xildhibaanada Golaha Wakiilada Oo Isku Faro Saaray Mooshin Laga Keenay Go’aankii Golaha Wakiiladu Ku Laalay Wareejinta Haamaha Shidaalka.

                                        Hargeysa,12sep,2015(QJ/SDN)-Golaha wakiilada Somaliland ayaa fadhigii saaka ay iskugu yimaadeen la hor keenay mooshin ku saabsan  go,aankii hore ee golaha wakiiladu ka gaadhay wareejinta haamaha shiidaalka Berbera. Fadhiga saaka ee golaha wakiilada Somaliland ayey mudanayaasha muxaafidka ahi  keeneen mooshin la xidhiidha in golaha dib loogu soo celiyo go,aankii ay hore uga gaadheen wareejinta haamaha shiidaalka, kaas…

                                        Read More