Shirkadaha Isgaarsiinta ee Telesom iyo Somcable iyo doorka ay ku leeyihiin khilaafka madaxda xisbiga UCID

    Hargeysa Dec 23,2015(SDN/QJ)-Shirkadaha Isgaarsiinta Somaliland ee Telesom iyo Somcable oo xurguftan ganacsi uu ka dhexeeyo ayaa loolankoodu ka soo dhexmuuqday xurgufta siyaasadeed ee xisbiga mucaaridka ah ee UCID. Shirkadahan oo ku loolamaya isgaarsiinta ayaa danahooda ganacsi ka dhex ka arkay cida u hari doonta xisbiga UCID khilaafka dabadii. Mulkiileyaasha shirkadaha Telesom iyo Somcable Ayaa kolba…

    Read More

      Safiirka isbaheysiga mucaaridka Jabuuti (USN) ee dalka Canada oo ka tacsiyadeeyay dadkii ku dhintay shaqaaqadii Belbela

      Ottawa Dec 23,2015(SDN/QJ)-Safiirka dalalda mucaaridka Jaabuuti (USN) ee dalka Canada Md Xuseen Cabdiraxmaan Jaamac Cadhoole ayaa mar aanu la xiriirnay waxa uu ka waramay dhacdadii ay 19ka ruux ku dhinteen isla markaana ay ku dhawaad boqolka ku dhaawacmeen ee ka dhacday magaalada Belbela. “Waxaan marka hore halkan tacsi u dirayaa dhamaan ehelka, qaraabada iyo shacab ka Jabuuti dadkii inooga…

      Read More

        Abaanduulihii Hore ee Ciidamada Qaranka Somaliland oo Hargaysa Lagu Aasay Galabta,Taariikh Nololeedkiisa Iyo Madaxweyne Siilaanyo oo Dhanbaal u diray DAAWO

        Hargeysa, 23 December, 2015 (SDN/QJ):-Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo ku waxa uu tacsi u  dirayaa Guud ahaan Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, isagoo ka tacsiyadaynaaya Geerida ku timid Abbaanduulihii hore ee Ciidanka Qaranka Somaliland Marxuum Ibraahim Caydiid Axmed (Dhab-dhable) oo ku geeriyooday Dalka Jabuuti Galabtana lagu aasay Magaalada Hargaysa. Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku…

        Read More

          Hogaanka Dhaqanka ee Gobolada Sool Iyo Buuhoodle oo Baaq Nabadeed ah u Diray Laba Beelood oo Dagaal ku Dhex Maray Deegaanka Balli Xasan ee Degmada Gaashaamo Kana Dalbaday inay Xabada Joojiyaan DAAWO

          Laascaanood, 23 December, 2015 (SDN/QJ):-Garaadada Gobolada Sool, iyo Buuhoodle ayaa maanta baaq nabadeed u diray labadii beelood ee dhowaan dhibku ku dhexmaray Deegaanka Balli-Xasan ee Degmada gaashaamood ee Dawlad deegaanka soomaalida itoobiya. Isku dhaca dhex maray Labadaas ardaa oo ka soo kala Jeeda Beelaha Dhulbahante iyo Habar yoonis ayaa sababay Khasaare isugu Jira Dhimasho Iyo…

          Read More

            “Ciidamada AMISOM Waligood Ma Sii Joogi Doonnaan Dalkani,..’’ Xassan Sheekh DAAWO

            Muqdisho,23Dec,2015(QJ/SDN)-Madaxweynha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa waxa uu waraysi meelo badan taabanayo siiyay Taleefishinka laga leeyahay dalka Shiinaha ee Africa CCTV wuxuuna ka hadlay heerka uu marayo dib u dhiska lagu wado Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, iyo goorta ay dowladda Federaalka ee Soomaaliya ay isku filnaandoonto, kana maarmi doonta ku tiirsanaanta ciidamada Midowga Africa ee…

            Read More

              Danjiraha Xilligiisu Sii Dhammaanayo Nicholas Kay Oo Sheegay In Soomaaliya Aanay Ahayn Waddan Guul-darraystay

              Muqdisho,23Dec,2015(QJ/SDN)-Ergayga Qaramada Midoobay ee Somalia, danjire Nicholas Kay ayaa sheegay in Somalia aysan haatan ahayn waddan guul-darreystay, ayna soo kabanayso, kaddib sannado uu colaado kusoo jiray. Danjire Kay oo u warramayay Wakaaladda Wararka ee AP ayaa xusay in saddexdii sano ee lasoo dhaafay ay Soomaaliya kusoo laabanaysay xasillooni, inkastoo ay weli jiraan buu yiri howlo…

              Read More

                Mustafe Maxamed Qodax Maareeye Ku Xigeenka Cusub ee SLNTV Shalay Sidan ayuu u Hadlay, Maxaa Berri laga Filan Karaa? DAAWO.

                Hargeysa, 23 December, 2015 (SDN/QJ):-Magacaabiso uu Madaxweyne Siilaanyo Habeenkii Xalay soo saaray ayaa Wuxuu Xil Cusub oo ah Maareeye ku Xigeenka Telefishanka Qaranka Somaliland u Magacaabay Mustafe Maxamed Qodax oo dhawr Bilood ka hor Shaaciyey inuu iska Casiley Xoghayihii arrimaha Gudaha ee Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani. Mustafe Qodax wuxuu Mudo ku siman Afar Sannadood…

                Read More

                  Dhaqan Haybada Qaranimo dhaawac ku ah,Askar ka tirsan ilaalada Madaxtooyada Somaliland oo Galay Safaaradda Itoobiya ee Hargeysa, hanjabaado ay ku kaceen, Cabasho Madaxda Ethiopia iyo Jawaabta Somaliland

                  Hargeysa, 23 December, 2015 (SDN/QJ):- Askar ka tirsan Ciidanka ilaalada Madaxtooyada Somaliland, ayaa la sheegay inay sifo sharci-darro ah u galeen gudaha Safaaradda dawladda Itoobiya ee magaalada Hargeysa, isla markaana hadallo hanjabaado ah u jeediyeen Madaxdii joogtay Xafiiska, xilli ay u doonayeen Fiise qof xanuunsanayey sida ay Masuuliyiinta markaa shaqada ku jirtay u sheegeen. Falkan…

                  Read More

                    Wasiirka Ganacsiga oo Shaaca ka qaaday in Sicir-bararka Somaliland ka jiraa dhaafay mid ay wax ka qaban karto Wasaaraddiisu

                    Hargeysa, 23 December, 2015-(SDN/QJ):- Wasiirka  Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgeshiga caalamiga ah ee Somaliland Dr. Muuse Qaasim Yuusuf, ayaa shaaca ka qaaday in Sicir-bararka dalka ka jiraa gaadhay heer aanay Wasaaradda Ganacsigu xakamayn karayn, isla markaana waxa uu sheegay inay loo baahan yahay in si heer Qaran ah loo waajaho, taasina ay haddo socoto oo uu…

                    Read More

                      Hay’adda Amnesty International Oo Dowladda Ruusha Ku Eedaysay Inay Xasuuq Ka Gaystay Dalka Suuriya

                      Geneva,23Dec,2015(QJ/SDN)-Hay’adda Amnesty International ayaa ku eedeysay dowladda Ruushka inay geysteen xad-gudubyo aadanaha dhan ka ah, iyadoo hay’addu ay soo bandhigtay caddeymo muujinaya in duqeymihii uu Ruushku ka geystay Suuriya lagu dilay 200-qof oo shacab ah. Amnesty ayaa xustay in cilmi-baadhis lagu ogaaday in diyaaradaha Ruushka ee dagaalka ay duqeymo ka geysteen shan goobood intii u…

                      Read More

                        Khiddad Cajiib Ah Oo Soomaalida Kenya Ay Kaga Furteen Al-Shabaab Masiixiyiin U Gacan Galay

                        Nairobi,23Dec,2015(QJ/SDN)-Dalka Kenya ayaa si weyn looga hadal hayaa weerarkii dorraad Kooxo loo malaynayo in ay katirsan yihiin Al-Shabaab ku qaadeen gaadhi bas ahaa oo marayay Duleedka Magaaladaasi, waxaana weerarkaasi lagu dilay laba qof halka afar qof oo kalena lagu dhaawacay. Kooxo hubaysan oo la sheegay in Al-Shabaab katirsanaayeen ayaa rasaas ku furay gaadhiga baska ah,…

                        Read More

                          Xukuumadda Somaliland oo Magacawday Gudi ka Soo Talo Bixisa Isu Socodka Somaliland Iyo Somalia Iyo Maxsuulka Kulankoodii Kowaad.

                          Hargeysa, 23 December, 2015 (SDN/QJ):-Gudi uu dhawaan Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamud (Siilanyo) u Magcaabay, isu socodka labada Wadan ee Somaliya iyo Somaliland, ayaa Shalay kulankoodii u horeeyay ka dhacay Xafiiska Wasiirka Wasaarada Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka, Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Cadaani). Shirkan oo ay ka soo qayb galeen Wasiirada Wasaaradaha, Arimaha Gudaha, Dib u Dajinta,…

                          Read More

                            Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan Oo Sheegtay In Aanay Wada Hadallada Somaliland iyo Soomaaliya Ka Aamusnaan Karin Oo Ay Qaybtooda Ka Qaadan Doonnaan DAAWO

                            Muqdisho,23Dec,2015(QJ/SDN)-Xildhibaanad Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan oo ka tirsan baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa waxay ka hadashay wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya, iyadoona sheegtay in xidlhibaanada kasoo jeeda deegaanada Somaliland kuwaas oo ku jira baarlamaanka Federaalka Soomaaliya aanay ka maqnaan Karin wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya. ‘’Aan wada haddalno waa aan heshiinno, wadahadal baana socday muddo dheer laakiin wax…

                            Read More

                              Dagaal Ururka Al-Shabaab iyo Ciidamada Dowladda Soomaaliya Ku Dhex Maray Degmada Diinsoor iyo Ururka Al-shabaab Oo La Wareegay Gacan Ku Haynta Deegaanka Ceel-Xaaji

                              Diinsoor,23Dec,2015(QJ/SDN)-Sida ay sheegayaan wararka naga soo gaadhaya degmada Diinsoor ee gobolka Baay waxa halkaasi ka dhacay dagaal xooggan kaas oo dhaliyay khasaaro kala duwan. Dagaalkan ayaa u dhexeeya ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya iyo xooggaga Al-shabaab. Dagaalka xoogiisa ayaa waxa uu ka dhacay deegaanka Buulodeey oo aan sidaa uga sii fogeyn degmada Diinsoor. Dagaalka ayaa yimid…

                              Read More

                                Xusuusta Kor-dahab iyo Sida ay Maankiisa u Miratay Kadib Habeen Niqaamku ka Duulay “Barnaamij Suugaaneedka Qurbejoog.com idiin diyaarisay {DHAGAYSO}

                                Hargeysa, 23.Dec 2015 (SDN/QJ):— Kordahab waa dhabeel Qurux iyo Qiimiba lagu Majeertay, arageedaa Naadir ah,hasa yeeshee Habeen Niqaamku ka duulay Iftiinkii ka baxay wejigeedu dunnida ayuu maasheeyay oo Sidii Hilaac roob noolaha Ashqaraar iyo indho daraandar ku riday dadkuna Mooday Gudgude roob oo arliga Miray, Hadii Tartanka quruxda dharaar uun loo balami lahaa oo dayaxa,Xidigaha…

                                Read More

                                  Taxanihii Qisaska Nolosha iyo Tusmadii Xusuus Qor Dhakhtar Ilkood Kala Soco Qurbejoog.com {DHAGAYSO}

                                  Hargeysa, 23.Dec 2015 (SDN/QJ):— Waa Qormadii Taxanaha ahayd ee Xusuus Dhakhtar Ilkood oo ay inoo Soo diyaariso Drs Hibaaq C.raxmaan Buubaal oo ah Dhakhtarad Aqoon durugsan u leh Xanuunada Ilkaha kana Shaqaysa Magaalada Hargaysa. Waxay Taxanahan inoogu soo bandhigaysaa Khibrad ay ka heshay Mudadii ay ka shaqaynaysay Mihnada dhakhtarnimo,Waxaana si Joogto ah Taxanahan idiinku soo…

                                  Read More

                                    War Deg Deg Ah: Madaxweyne Siilaanyo Oo isku Shaandhayn Ku Sameeyay Xukuumaddiisa

                                    Hargeysa,22Dec,2015(QJ/SDN)- WAR-SAXAAFADEED Tariikh: – 22/12/2015 Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu caawa Digreeto Madaxweyne oo Summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-3730/122015 uu Magacaabis, Xilka qaadis iyo Bedel ku sameeyey Masuuliyiin kala duwan oo ay ka mid yihiin Gudoomiyeyaasha Gobolada, Agaasimeyaasha Guud, La-taliyeyaasha Madaxweynaha iyo Xubno kale oo dhawra. Madaxweynuhu:- Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka…

                                    Read More

                                      Ciidamadda Booliska Somaliland oo Feejignaantii u Saraysay la Geliyey Iyo Taliyaha Booliska oo ka hadlay Xaaladan Cusub DAAWO

                                      Hargeysa, 22.Dec 2015 (SDN/QJ): —Taliyaha Guud ee Ciidanka Booliska Somaliland Sareeye Guuto C.laahi Fadal Iimaan oo Saraakiisha Ciidanka Booliska Maanta kula hadlayay Xarunta Birmadka ee Ciidanka Booliska ayaa ku booriyey Xoojinta Ilaalinta Amaanka,Waxaa kale oo uu Sheegay in Guud ahaan Dalka Ciidanka Booliska Somaliland ay ku Jiraan Heegan Culus.

                                      Read More

                                        Maxkamada Gobolka Maroodi Jeex Oo Xukun Ku Riday Makhraati Beenaalayaal Markii Kowaad DAAWO

                                        Hargeysa, 22.Dec 2015 (SDN/QJ): — Maxkamada Gobolka Hargeysa ayaa Maanta xukun ku riday eedeysanayaal lagu eedeyay Makhraati Beenaale, Gudoomiyaha Maxkamada Gobolka Hargeysa Md Axmed Dalmar Ismaaciil iyo Garsoore Khaalid Cabdi Shiil ayaa saxaafada u soo bandhigay.labada Makhraati Beenaale iyo Xukunka lagu riday. https://www.youtube.com/watch?v=HVIG0oAY9hI&feature=youtu.be

                                        Read More