|

Talyaaniga Oo Badda Kasoo Faqay Meydadka Tahriibayaal 800-Qof Gaadhaya Oo Saddex Bilood Kahor Geeriyooday

Lampedusa:June,30,2015(SDN/QJ)-Ciidamadda Badda Talyaaniga, ayaa Bilaabay hawlgallo ay badda kaga soo saarayaan Meydaka ugu yaraan  800 –tahriibe  oo Badda ku dhintay Saddex Bilood kahor.

teeroeMeydadka tahriibayaasha ayaa la sheegay inay weli saaran yihiin doonidii ay la socdeen oo bada ku degtay, waxaana hawlgalkan ka qeyb qaadanaya saddex Markab oo uu leeyahay militariga Talyaaniga oo doonaya in doonidan ay kasoo saraan bada hoosteeda si loo aaso meydadka dadka weli halkaasi ku jira.

Axadii iyo Isniintii shalay ayey ciidamada Talyaaniga markale soo badbaadiyeen dad gaadhaya 4000 tahriibayaal ah, waxaana tahriibayaashaasi u gurmaday maraakiibta laga leeyahay dalalka Talyaaniga, Sweden iyo Spain.

Xukuumada Talyaaniga ayaa ku dhaliiceynaysa dalalka kale ee Midowga Yurub inaanay sidii la rabay uga qayb qaadan badbaadinta dadka tahriibayaasha ah, Raysalwasaare Metteo Renzi ayaa sheegay in ay doonayan inay soo saaraan dhamaan meydadka bada ku hoos jira si caalamka u arko musiibada ka taagan bada Meditareeniyanka.

 

SDN/QJ

Timo@qurbejoog.com

Contact@somaliasporanews.com

Comments are closed