|

Xukuumadda Iyo Xisbigeeda Kulmiye Oo Markale Jawaab Aan Lagu Qanci Karin Ka Bixiyey Taabbogelinta Heshiiskii ay Axsaabta Mucaaridka la galeen

Hargeysa:June,30,2015(SDN/QJ)-Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iyo Xisbigeeda Kulmiye, ayaa Maanta markii ugu horraysay Ka Hadlay buuq ay mucaaridku ka keeneen cago jiid soo galay fulinta Heshiiskii xukuumaddu hore ugu gashay murankii ka dhashay Muddo-kordhinta.

xahyoShir jaraa’id oo ay maanta  madaxtooyada ku wada qabteen Hoggaanka Xisbiga Kulmiye iyo Xukuumadda oo uu Madaxweyne-ku-xigeenku wakiil ka ahaa, ayaa lagu sheegay inaanay xukuumaddu ka bixin heshiiskii ay mucaaridka la gashay.

Madaxweyne-xigeenka somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa saxaafadda u akhriyey Qoddobo saddex ah oo ay jawaab kaga bixiyeen Cabashada mucaaridku ka muujiyeen fulinta Heshiiskii ay hore axsaabta ugala gashay arrimaha Muddo-kordhinta.

Qoddobadaas oo saddex ahaa ayaa kala ahaa sidatan:

1.Mawqifka xukuumadda iyo Xisbiga Kulmiye waxa uu taageersan yahay heshiiskii xukuumadda iyo xisbiyada qaranku isla gaadheen, meel ay xukuumaddu kaga baxdayna ma jiro.

2.Xukuumadda iyo xisbiga kulmiye sidii aanu ku caddaynay heshiiskaas Go’aanka Guurtiduna waa sharci ah aynu wada saxeexnay, waxana

3.Xukuumadda iyo Xisiga Kulmiye waxanu ku jirnaa  in mudanayaasha Guurtida oo ah Hay’adda sharciga u leh muddo-kordhinta sidii xalka siyaasiga ah ee aanu danta qaranka u qaadanay aanu isula waaafiqi lahayn oo aanu meel iskula dhigi lahay.

Saylici oo Hadalkiisa ayaa sheegay mucaaridka uga  digay inay warar aan jirin faafiyaan, waxana uu ku adkaystay inaanay ka bixin heshiiskaa, waxana uu yidhi,

“Sidaa darteed  walaalahayaga mucaaridka ah  waxanu leenahay in dalka la jaahwareeriyo oo wax aan jirin loo sheego oo la yidhaahdo dawladdiibaa ka baxday heshiiskii ay xisbiyada mucaaridka la gashay ma aha.”

Md Saylici  ayaa ku adkaystay in Go’aanka Guurtidu yahay sharci lama dhaafaan ah, isagoo qiray in Heshiiska ay axsaabta la gaadheen ahaa mid Beesha Caalamku ku dirqiday,

“Sharcibaa halkan yaalla waxa aynu qaadanayna waa xal siyaasi ah  oo saddexda xisbi isla garteen iyadoo danta qaranka laga duulayo oo lagu raalligelinayo Beesha caalamka oo u aragta inaynu ka dhego adaynay hawshii ay  inala wadeenna darteed aynu u qaadanay inay doorashadu ku qabsoonto bisha December badhtankeeda.” Ayuu yidhi Saylici.

 

Ugu Dambayntii waxa uu Saylici Hadalkiisa kusoo khatimay inay ku hawllan yihiin sidii ay Guurtida uga dhaadhin lahaayeen Aqbalaadda Heshiiskii ay axsaabta la galeen, waxana uu yidhi,

 

“Waxanu ku jirnaa in odayaasha guurtida ee Go’aankii Distooriga ahaa qaatay sidii aanu isula waafaqi lahayn wax heshiis ah oo laga baxayna ma jiro.”

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

 

Comments are closed