|

Tirada Xoolaha Soomaalida Ee Dalka Laga Dhoofiyey Sanadkii Dhamaaday Oo Noqotay Middii Ugu Sarraysay Ee Abid Taariikhda La Arko Iyo Cadadka Lacagta Faa’iidada ah ee Laga Helay

Muqdisho:April,30,2015(SDN/QJ)-Sida lagu sheegay Warbixin ay soo saartay Ha’yadda Cuntada Adduunka ee(FAO), waxa Dadka Soomaalida ahi sanadkii tegay ee 2014-kii ay dibadda u dhoofiyeen Tirada Xoolihii ugu badnaa ee Taariikhda lagu arkay.

xeecWarbixin ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay u dhoofisay Dalalka Khaliijka Xoolo gaadhaya 5 million, kuwaasi oo isagu jira Geel, Lo’ & Adhi, iyadoo Ganacsatada Xoolaha dhoofiyay Lacagta kasoo gashay ay gaadheyso $360 million.

Suuqyada Dalalka Khaliijka Carabta ayaa la geeyay 4.6 million (Afar Milyan & Lix Boqol oo Kun) oo Adhi ah, 340,000 (Saddex Boqol & Afartan Kun) oo Lo’ ah iyo 77,000 (Todobaatan & Todobo Kun) oo Neef oo Geel ah, sida ku xusan Warbixinta FAO.

Waa Xoolohii ugu badnaa oo laga dhoofiyo dalka Soomaaliya Mudo 20 Sano ah, waxaana FOA ay sheegtay in ay taasi ka danbaysay markii Midowga Yurub & Ingiriiska ay gacan ka geysteen Barnaamij loogu cidhib-tirayay Xanuunada Xoolaha ku dhaca oo Soomaaliya laga hergeliyay dhawaan.

Xoolaha waa Udub-dhexaadka Dhaqaalaha dalka Soomaaliya, waxaana ay ka dhigan yihiin 40% Guud ahaan Dhaqaalaha Dalka, balse aan si fiican looga faa’ideysan Mudadii uu Burburka jiray.

“Tani waa Tallaabo Horumar leh oo usoo hoyday Wax soo saarka dhanka Xoolaha Dalka Soomaaliya, oo Maalgashi baaxad leh lagu sameeyay Mudooyinkii danbe si ay u noqota Soomaaliya Dalalka kuu tartamaya Suuqyada Caalamaka ee Xoolaha loo iibgeeyo,” ayuu yidhi Wasiirka Xanaanada Xoolaha Soomaaliya Saciid Xuseen Iid.

Ganacsato kasoo jeeda Dalalka Saudi Arabia, Yemen, Oman, Kuwait Qatar iyo United Arab Emirates (UAE), ayaa ka faa’ideysanaya Fursaddda Maalgashiga ee ka jirta Wadanka Soomaaliya, oo hadda Dhaqaalihiisa soo kabsanayo.

Saudi Arabia, gaar ahaan waxay noqotay Dalka Xoolaha ugu badan ka iibsaday Soomaaliya Mudadii Lixda Sano ee lasoo dhaafay, kadib markii ay qaaday Boqortooyada dalkaasi Xayiraad 9 Sano socotay oo saarnaa Xoolaha Soomaaliya, sababtoo ah Cudurka Rift Valley.

Sanad Kasta, Hay’adda FAO waxay Talaashaa 12 million Neef oo Xoolaha Soomaaliya ah, gaar ahaan Adhiga, oo laga talaalayo Xanuun Dilaa ah oo Virus Keena kaasi oo  lagu magacaabo (PPR), waxaana Mashruucan maalgelinaya Midowga Yurub.

Iyadoo Dhaqaalo ahaan kaashanaysa Midowga Yurub & UK, Hay’adda FAO waxay ka fulisay Soomaaliya Mashaariic badan oo lagu hormarinayay Wax-soo-saarka Xoolaha & Dalaga Beeraha, oo loo tababaray Howlwadeeno & Dhaqaatiir Cudurada ka daaweeya Xoolaha.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed