|

TIX GABAY AH OO LAGU MAGACABO ” DHEEHA” . Mohamoud Hassan Arrale

Tixdan gabayga ahi waxay ka jurjumaysaa xaaladda dalku maanta uu maraayo  iyo sida gaabiska ay u tahay higsigii qarnimo oo 23 sanno ka hor ilmihii rajadda ku dhashay  isagoo aan rajo fiicani umuuqan uu ku ubad dhalay.
 
Waxay kaloo maansadu tilmaamaysaa in kuwii loo igmaday ay dhuunta jarayaan xilkii loo igmaday ee qaran nimo tiiyoo ay kobkinayaa qabyaaladda , laaluushka iyo rajo xumadda dalka ku habsatay kuna wadaan waddadii lixdankii la mariyey naruuraddii xoriyadda.
 
Waxay kaloo tibaaxaysaan maansaddu  in dhismahii wada lahaansha qaranimo meesha ka baxay oo beelo gaari ay isku eryanayaa xukunka iyo dheefta dalkan Somaliland iyadoo dadkii  hormoodka noqon lahaa rag iyo dumarba  jabaq raac la noqday sanqadh dhegaysiya oo intii xilka haysayna  ku mashquulsan thay danaysi gaar ah.
 
Waxay kaloo maansadu ku guubaabinaysa  dadka in haddii aan runta qarannimo loo soo noqon arinkana aan dhexda la keenin in iska daa inta dhib u soo jooga hayd iyo inta labaatan jirsatay ee ku dhalatay iyo kuway ku daleen facaasi ee ka danbeeyaba in ay wax rajo ah yeelandooni haddii aan sidan waxba laga bedelin oo xaladu ay seddex fac  sidaaku adhabqanaandoonto (1960 -2035) illah kama dhigee.
 
Haddaba sidaan xaaladaasi u dhicin waa in laga tashaddo  siddii laga yeelilahaa doorashooyinka  2015 ka dalkana si nabad gelya ah uga qabsoomi lahaayeen wixii khilaaf iyo tabasho ah ee dalka ka taganna loo soo af jari lahaa doorashooyinka ka hor.
 
Akhris wacan
 
  1. Dadkan dhedadu fushow hadmaad   dhugan halkaan joogno
  2. Ma labaantan baa ay  dhantay   dhawrana kor u dhaaftay
  3. Ma ninkii dhashaa ay ciradu   dhooban tahay caawa
  4. Ma hashuu ka dhereg sugayey ba   dhigin waxay qaaday
  5. Miyey dhaaftay goortuu lahaa   haatan way dhali
  6. mise waa dhursuge dhoohanow   uumabay dhicine
  7. Lixdankii xeradii loo dhigay   dhugato naafooyday
  8. Ee jeelku dhamandaadiye   dhuuryadu u heestay
  9. Ee dhaawac socodkii guryaha   dhab ugu soo luudshay
  10. Waa laga dhursugaye   inay dhaanto tii shalaye
  11. waa tulud ninkii dhaqilahaa   dhuunta jarayaaye
  12. oo ay dhanbalayaan lafaha   dhuuxo yuurure
  13. Dheelalow miyuu galay kuwu  dhibayey mamuusku
  14. in ay dhuftaan  oy dhurtaan oy  dheregto mooyaane
  15. dhex wixii u yaal iyo majiro  dhugasho meeldheere
  16. Ma dhiifoona xeerbeegtii   dhex u ahaanleyde
  17. Dhaanwaduhu dhoomiha guntii   dhawac kaga reebye
  18. Way dhiigbaxaysa sidii uu  dhurwaa cunaye
  19. Nin waliba u soo dhigay in uu  dhisha buuxsado e
  20. Waa la kala dhacayaa sidii  dheeha booliye
  21. Anaa reer dhammaysaa   intaa lagu dhawaaqaye
  22. dhexda waxay u giijaan qabiil  qarana waa dhawe
  23. Odayaal dhadhama wererara iyo  dumar dhawaaq raaca
  24. Dhalinyaro la soo tabtay iyo  weriye dheefdoona
  25. intaas oo wax loo dhiibay iyo  dhiilo ku macaasha
  26. ayaa dhooban ciidoo ba’ashay  qaran dhegtiisi
  27. Maxay dheeho daraartaa haddaan  bahalba dhaafaynin
  28. dhafoorkay kutaal   Dacadow  kii dhibsanyaaye
  29. dhacamaha haddaan loo adkayn oo  dhawrtadda la waabin
  30. oo wixii dhib soo gaadhay iyo  dhiifta laga baanan
  31. oo aan dhex loo wada ahaan  dhaqan wadaageeda
  32. saw kala dhaqaaq iyo jab iyo hooy  dheg xumo maaha.
  33. Intii dheeha foolcelinisay  waaba dhib u jooge
  34. Sow kii dhashow kaad dhashaa  isana dhaxan u joog maaha.
 

Comments are closed