|

Akhri Sababtii Keentay In Reer Gabiley Fagaare Ku Gubaan Calanka Kulmiye Iyo Mudane Baarlamaanka Ka Tirsan Oo Ceebo Dul Hoganayaan

Hargeysa:Oct,31,2014(SDN/QJ)-Kadib daba gal dheer oo ay samaysay Shabakadda Caalamiga ah ee Qurbejoog.com, waxanu xaqiijinay in Shacabka reer Gabiley ee shalay ku gadooday Calankii xisbigii ay kursiga dalka saareen ee Kulmiye ay ka cadhoodeen tallaabooyin ay halkaas ka abaabulayeen shakhsiyaad uu hoggaaminayo Mudane Baarlamaanka ka tirsan oo isagu Muxaafid ahi.

haoSida aanu warka ku xaqiijinay waxa uu mudane Ibraahim Kacaan oo kamid ah Xildhibaanada xukuumadda horbooda, isla-markaana madaxtooyada  kaga maxaafsada in Reer Gabiley ay Kulmiye taageersan yihiini shalay isku dayey inuu Gabiley ku qabto munaasibad koox Waji-ku-macaash ahi ku doonayeen inay Xukuumadda ku taageeraan.

Shacabka iyo dhallinyarada reer Gabiley, ayaa iyagu arrintan mar dambe ku warhelay waxana ay cagta mariyeen Goobtii la sheegayey in munaasibad lagu qabanayo, kuwaas oo aakhirkii Dab meel Fagaare ah ku qabadsiiyey calankii Kulmiye oo wakhti ahaa marada looga jecelyahay ee Reer U Gabiley tartanka u geli jireeen inay ku Labistaan.

Dhallinyaro gadoodsan oo ka cadhaysan Waddada uu Xisbiga Kulmiye dalkii qaadsiiyey, ayaa si badheedh ah u kala baacsaday Kooxdii uu Ibraahim kacaan soo urursaday, waxana la sheegay inuu Xildhibaanka laftiisu ku sigtay in gacanta loola tago, balse markii dambe laga xishooday oo loo sheegay inuu Magaalada kala baxo tallaabooyinka uu ku Hawllan yahay.

Ibraahim kacaan ayaa la sheegay inuu markiiba iska qabtay dhinaca Aqalka uu magaalada ku leeyahay, waxana uu ciil iyo cadho kula dul dhacay masuuliyiinta Gobolkaas xukuumadda u joogta oo uu ku tilmaamay qaar aan aqoon u lahayn xeellada lagula dhaqmo reer Gabiley oo kacdoonada Xukuumadda lagaga soo horjeedo caan ku ah.

Ibraahim Kacaan oo isagu ah mudanaha kaliya ee Reer Gabiley ah ee u daacadda ah Qoyska Madaxtooyada Haysta, ayaa shalay fashil iyo ceeb u soo hooyey  Xukuumadda, waxana uu Bulshada tusay inaanay Reer Gabiley ahayn dad dhexdooda laga heli karo ama ay ku noolaan karaan kooxo wajigooda Iibsada oo inta badan lagu arko magaalooyin badan oo dalka kamid ah.

Waji-ku-macaashka ayaa beryahan dambe noqday Xeeladda ay  adeegsadaan Dawladaha Gabalkoodu sii dhacayaa, waxana hore ugu jabtay xukuumaddii UDUB oo markii ugu dambaysay shaqo ka dhigatay waji-ku-macaash aan wax ay ka sii ridaan mooyaane waxba usoo korhdinin.

Madaxtooyada Somaliland ayaa shalay si dhaw ula socotay tallaabooyinka  ay reer Gabiley ku dhaqaaqeen, waxana in badan canaantu dhacaysay Xubnaha Masuuliyiinta ah ee kasoo jeeda Gabiley, kuwaas oo loo arko inaanay awood u lahayn inay soo celiyaan Reer Gabiley oo la arkayo inay jid kale u kaceen.

Gobolka Gabiley ayaa isagu ahaa meeshii xukuumadda Kulmiye ka heshay codkeedii ugu badnaa, waxase lagu nacay muddo bilo ah oo mudaharaado ka Bilaabmeen, waxana xukuumadu wali ku dawakhsan tahay daawada Gobolkaas oo ku adkaatay helideedu.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed